Maxay kooxda IS ugu farxeen dilkiisa Qasem Sulaymaani?

dilkii suleimani

Kooxda la baxday dowladda Islaamka ee (IS) ayaa soo dhaweysay dilkii Janaraal Qasem Soleimani, oo ahaa madaxii guutada Quds.

Bayaan ay kooxda soo saartay ayaa lagu sheegay in dilkiisa uu faa’iido u yahay kooxaha Jihaad doonka.

Balse bayaanka gabi ahaanba laguma xusin Mareykanka oo fuliyay howlgalkii lagu dilay Janaraal Soleimani 3 January.

Go’aankii Madaxwayne Donald Trump ee lagu dilay Sulaymaani ayaa waxaa ka dhashay dhowr cawaaqib oo ay ka mid tahay dagaalkii IS oo aan la soo afjarin.

Isla markii uu dilka dhacay-ba waxay isbahaysiga Mareykanka uu hogaamiyo ay joojiyeen howlgaladii ka dhanka ahaa IS ee Ciraaq laga waday.

Iran iyo maleeshiyaadka ay taageerto ayaa waxay wacad ku mareen in ay Mareykanka ka aargoosan doonaan.

Arrintan ayaa sababtay in ciidamada Mareykanka iyo dalalka kale ee xulufada la ah halis dagaal ay soo wajahdo.

Sidoo kale arrintan waa mid u wanaagsan kooxda IS, waxayna soo dadajinaysaa in ay ka soo kabtaan jabkii soo gaaray.

Waxaa sidoo kale war wanaagsan u ah kooxaha xagjirka ah hindisihii ay ansixiyeen baarlamaanka Ciraaq ee u baaqayay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Ciraaq.

Kooxda IS ayaa adkeysanaysay muddo sanooyiin badan ah oo dagaal lagula jiray.

Kooxda ayaa iminka boorka dib isaga jafaysa oo doonaysa in ay ka soo kabsato burburkii soo gaaray.

Howlgallo militari oo ballaaran ayaa 2016 iyo 2017 lagu qaaday kooxda IS oo xilligaasi ka talinaysay dhul badan oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya.

Qaar badan oo ka mid ah dagaalayahanadii IS ayaa ku naf-waayay dagaalka, balse ururka wali ma dhiman.

Wali waxay kooxda ka howlgashaa goobo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya, iyaga oo fuliya weeraro gaadmo ah iyo lacago baad ah oo dadka ay ka qaataan.

Ciidamada Ciraaq waxaa intooda badan tababaray Mareykanka iyo dalalka Yurub
Ciidamada Ciraaq waxaa intooda badan tababaray Mareykanka iyo dalalka Yurub

Dowladda Ciraaq ayaa waxay leedahay Militari wanaagsan iyo Booliis ay intooda badan tababareen Mareykanka iyo dalalka Yurub ee qeybta ka ahaa dagaalkii kooxda IS.

Tan iyo dilkii Soleimani, Mareykanka ayaa waxay hakiyeen tababarkii ay u fidin jireen ciidamadaasi iyo howlgaladii ay wadeen.

Dalalka Denmark iyo Jarmalka ayaa iyaguna tababaradaasi joojiyay. Dowladda Jarmalka ayaa tababarayaasheeda kala baxaysa Ciraaq oo u wareejinaysa Urdun iyo Kuwait.

Ciidamada Ciraaq ayaa iminka qaadanaya halista howlgalada dhulka ee ka dhanka ah kooxda IS. Ciidamada Ciraaq ayaa sidoo kale kaalmo dhanka tasiilaadka ah ka heli jiray ciidamada Mareykanka ee imika difaaca ka galay saldhigyadooda.

Kooxda IS waxay wali weeraro ka fuliyaan dalka Ciraaq
Kooxda IS waxay wali weeraro ka fuliyaan dalka Ciraaq

Mintidiinta IS ayaa waxaa sidoo kale jirta arrin kale oo ay u dabaaldagayaan.

Markii uu madaxwayne Trump go’aansaday dilka Janaraal Qaasim Suleymaani waxaa hadyad ahaan loo siiyay ookiyaalaha mid ka mid ah cadowgooda.

Sanadkii 2014, ayay kooxdan gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo ku yaalla Ciraaq oo ay ka mid tahay magaalada Muusal oo ah magaalada labaad ee ugu wayn Ciraaq.

Kumanaan dhalinyaro Shiico ah oo is abaabulay iyo xoogagga Quds ee janaraal Sulaymaan uu hogaaminayay ayaa qayb wayn ka qaatay jabkii kooxda IS.

Maleeshiyaadkan ayaa waxay ahaayeen kuwa arxan daran islamarkana ka mid ahaa cadowgii ugu waynaa ee ay IS lahayd.

Maleeshiyaadkaasi Shiicada ahaa ee IS la dagaalamay ayaa imika ku dhex milmay ciidamada Ciraaq islamarkana hogaamiyayaashodii ugu caansanaa waxay noqdeen hogaamiyayaal siyaasadeed.

Maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq
Maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq

Sanadihii ka dambeeyay 2014, Mareykanka iyo maleeshiyaadkan ayaa lahaa hal cadow, balse imika maleeshiyaadkan Shiicada ah ayaa waddadoodii dib ugu laabtay taasi oo ah in ay la dagaalamaan ciidamadii Mareykanka ee ciraaq qabsday 2003.

Wargeys toddobaadle ah oo ay kooxda IS leeyihiin oo lagu magacaabo al-Naba, ayaa faallo ay kooxda ku qoreen waxay ku sheegeen in Soleimani iyo al-Muhandis ay ku dhinteen gacantii “Xulufadooda ” – oo ay Mareykanka ula jeedaan.

Waxay kooxdu sheegtay in cadowgii IS ay isku jeedsadeen oo ay dagaalamayaan taasi oo tabartooda sare u qaadaysa islamarakana ugu dambeyntii ay ka faai’idi doonaan.

Xigasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here