Maxay shacabka dalalka Carabtu u jecel yihiin madaxweynaha Turkiga?

madaxweyne erdogan

Maqaal uu qoray wariye David Gardner oo ay daabacday Jariiradda ‘Financial Times’ ayaa ciwaan looga dhigay “Xulashada Erdogan ee ah hogaamiyaha ay ugu jecel yihiin shucuubta Carabta waxay muujineysaa daciifnimada madaxda gobolka.”

Qoraaga wuxuu ku bilaabayaa maqaalkiisa ka hadalka caannimada Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ee ah inuu yahay hogaamiye hayay xukuma dalkiisa Turkiga muddo ku dhow labaatan sano.

Laakiin wuxuu xusay in caannimada “ay meesha ka saarayso xukunkiisa kali-taliska ah iyo awood siinta dhanka dhaqaalaha ah ee taageerayaashiisa muxaafidka ah.

Maqaalka ayaa lagu xusaya in ra’yi ururin laga sameeyay wadamada Carabta oo la daabacay toddobaadkii la soo dhaafay lagu sheegay in Erdogan uu yahay “hogaamiye si aad ah looga yaqaanno” dunida Carabta.

Qoraagu wuxuu sheegayaa in laga yaabo in la isku khilaafo arrintan. Balse inbadan waxay rumeysnaayeen in taliye Turki ah, oo dhaxlay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee maamuli jirtay Dunida Carabta, in kabadan afar qarni, uusan ku naaloon karin heerkan Carabnimo.

Haddaba ka warran haddii taliyahaas uu yahay Erdogan? Himilooyinkiisa cusub ee Cusmaaniyiinta “waxay ka muuqdaan khariiradado faahfaahinaya sheegashooyinka Turkiga ee aagagga dhulka Suuriya iyo Ciraaq,” wuxuuna qabsaday afar gobol oo ku yaalla woqooyiga Suuriya tan iyo sanadkii 2016-kii.

Qoraaga ayaa intaa ku daray in hay’adda aftida qaaday ee “Arab Barometer”, ay inta badan soo bandhigto in Erdogaan uu yahay qofka loogu jeclyahay Bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka Carabta.

Si ay u caddeyso hay’addu arrintaan, waxay afti la xiriirta jaceylka Erdogan ka qaaday in ka badan 20 kun oo qof. Dadka uu xifaaltanka kala dhaxeeyo, sida Maxamed Binu Salmaan-ka Sacuudiga iyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei, aad ayay uga hooseeyaan marka laga barbar dhigo madaxweynaha Turkiga.

Tani waa aragtida Gardner oo maqaalka qoray. Sababaha qaar ee farqiga u dhexeeya caannimada waa kuwo wanaagsan, halka kuwo kalena ay walwal leeyihiin.

Muwaadiniinta Carabta ah, ee xuquuqdooda ka maqan tahay ee madaxdooda kali taliska ah, waxay had iyo jeer u muujiyaan u nuglaanta halyeeyada shacabka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Jamaal Cabdinaasir, halyeeygii reer Masar, kaas oo dunida Carabta ku soo jiitay waddaniyadda Carabta, markii la qarameeyey kanaalka Suweys, sanadkii 1956 illaa jabkii ay Carabtu kala kulantay dagaalkii Lixdii Maalmood ee 1967 lala galay Israa’iil.

Qoraaga wuxuu xusayaa laba sababood oo ka dhigay hamiga Erdogan in uu dhaafo xuduudaha dalkiisa. Sababta koowaad waa qalalaasaha ka jiray gobolka Carabta, tobankii sano ee la soo dhaafay. Wax yar uun ka dib markii ay bilowdeen waxa loogu yeeray kacdoonnadii Guga Carabta.

Sababta labaad waxay tahay, maqnaanshaha hoggaanka Carabta Sunniga ah, xilli Iiraan ay ka shaqeyneyso sameynta isbaheysi shiico ah.

Qoraagu wuxuu rumeysan yahay in Erdogan uu cadaawadda u qabo hoggaamiyaasha Sacuudiga, Masar, Imaaraatka Carabta iyo taliska Asad ee aysan si gaar ah saameyn ugu yeellan dalka Suuriya

Gardner wuxuu yiri: “Aragtida dadweynaha Carabta waxay u muuqataa in ay la dhacsan yihiin jacaylka sii kordhaya ee Erdogan u qabaan – waxaana loogu yeero ‘awooda adag iyo loolanka uu kula jiro Israa’iil, Mareykanka iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maleeshiyooyinka iyo calooshood u shaqeystayaal.”

“Wuxuu awood u yeeshay inuu beddelo isku dheelitirnaanta awoodda dagaalladii sokeeye ee Liibiya, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay Azerbaijan in ay dib u soo ceshato gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, iyo inuu xoojiyo xididdadiisa aagga waqooyiga Suuriya, halkaa oo laga saaray dagaalyahannadii Kurdiyiinta ee daacadda u ahaa Mareykanka”.

Wariyaha qoray warbixintaan wuxuu yiri: “In kasta oo Turkigu u arko galaangal u yeellashada waqooyiga Suuriya in ay tahay mid sharci ah, haddana isbahaysiga NATO waxay arrintaan ka muujinayeen walaac ah ku saabsan in ay tahay ‘tallaabo cusub oo Cusmaaniyiintu u qaadayaan hanashada gobolka’.”

Haddaba waa kuma ninka hogaaminaya awoodda sii fideysa ee Turkiga?

Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda Magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.

Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.

Aabihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.

Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalla xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.

“Aad ayaan ugu faanaa,” ayay tiri Adnan Savas oo 45 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaaray waxay dhiiragellin u tahay caruurta iyo in ay dedaali karaan”.

Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.

Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.

Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon.

“Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta,” ayuu yiri Timothy Ash.

Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdogan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Turkiga.

“Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sarifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse markii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boqolkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuudiga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jirto dalka Turkiga,” ayuu yiri Ayhan.

Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan “kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah”, haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa.

Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.

Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.

Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here