Maxay tahay gabadha loo haysto inay borobagaando ka gudbisay taliska Iiraan?

Nazanin Zaghari Ratcliffe

Nazanin Zaghari-Ratcliffe ayaa waxaa lagu xukumay sanad kale oo xabsi ah oo dheeraad ah iyo hal sanno oo aanay meelna u safri karin kaddib markii lagu helay dambi ah inay faafinaysay borobagaando ka dhan ah rajiimka Iiraan.

Qareenkeeda ayaa sheegay in lagu soo eedeeyay inay ka qeybqaadatay dibadbax London ka dhacay 12 sanadood ka hor iyo inay la hadalay Laanta Afka Persian-ka ee BBCda.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sheegay in UK “ay laba laabi doonto” dedaallada haweenaydaas lagu soo dayn lahaa.

Haweenaydan Iiraaniyadda ah ee haysata dhalashada Britain gargaarkana ka shaqeysa ayaa waxaa markii hore magaalada Tehran lagu xiray 2016.

Waxa ay marwalba gaashaanka u daruuraysay eedaha loo soo jeediyay ee ah inay basaasad tahay.

Iyadoo uu inoo xaqiijiyay xukunkan ugu dambeeyay ayuu ninkeeda, Richard Ratcliffe, waxa uu sheegay go’aanka maxkamadda uu yahay astaan xun ayna “iska cadday in taasi ah ay tahay taaktiko gorgortan” oo ay wadaan mas’uuliyiinta Iiraan – kuwaas oo bartamaha kaga jira wadaxaajoodyada dhaqdhaqaaqayda nukliyeerka ee dalkaasi.

Marwo Zaghari-Ratcliffe ayaanan weli la gayn xabsiga, ninkeeda ayaa sidaasi sheegay, halka ay qorshaynayso inay racfaan ka qaadato xukunkaasi.

“Cabsidu waa ay jirtaa, weliba waa ay ka wayn tahay inta aan innagu ka baqayno.” Mr Ratcliffe ayaa BBCda u sheegay. Isagoo ka cabsi qaba in xaaskiisa ay ka maqnaan doonto illaa xagaaga 2023-ka ayaa waxa uu yiri: “Waxaan filayaa in xaaladdii ugu xumayd aan qarka u saarannahay.”

Mr Ratcliffe ayaanan xaaskiisa si caadi ah u arag tan iyo markii xabsiga la galiyay 2016-kii. Gabadhooda, Gabriella, oo hooyadood Tehran la joogtay markii la xiraayay ayaa waxa ay aabaheed UK kula noolayd tan iyo 2019-kii.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay: “Ilama ahan inay sax tahay in Nazanin xabsi dheeraad ah lagu xukumo.”

Waxa uu sheegay in ay “khalad aheyd inay markii horaba halkaas tagto” waxa uuse ballanqaaday inuu si adag uga shaqeyn doono siidaynteeda si ay dib ugu soo laabato qoyskeeda.

Dowladda ma istaagin doonto, waxaan laba laabi doonnaa dedaalladayada, waxaanan sidoo kale arrinta kala shaqeynaynaa saaxiibadayada Mareykanka,” ayuu yiri Mr Johnson.

“Bilowgii, waxaan u heystay inaysan caddaalad ahayn oo haddii aan iska hadalno, ay dadka ku habboon soo faragelin lahaayeen isla markaana la xallin lahaa,” ayuu yiri Mr Ratcliffe. “Weligey ma sawiran inay tani qaadaneyso shan sano ama ka badan.”

Maxkamdeyn qarsoodi ahayd oo la saaray sanadkii 2016, ayaa marwo Zaghari-Ratcliffe waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah sababo la xiriira “inay xubin ka tahay ururro ka dhan ah dowladda Iiraan” – taas oo seygeeda uu sheegay inay la xiriirtay shaqadeeda mutadawacnimada ah, ee ay ka heysay BBC Media Action iyo Thomson Reuters Foundation. Wuxuu intaas ku daray in markii la xirayay aysan weriyeyaal tababareynin.

7-dii bishii Maarso ee sanadkan ayey aheyd maalinta rasmiga ah ee la sii deynayo – qareenkeeda ayaa arkay inay maanta ku asteysan tahay kumbiyuutarka Waaxda Garsoorka ee Iiraan. Waxay xisaabineysay toddobaadyada iyada oo ku sugan guriga waaliddiinteed, halkaas oo ay ku jirto xabsi guri, iyada oo lugta ay uga xiran tahay aalad lagula socdo dhaqdhaqaaqeeda.

Balse seygeeda – oo si aan caadi ahayn ugu dagaallamay sii deynteeda – ayaa shaki ka qabay in loo oggolaan doono inay ku laabato UK.

Wuxuu xaaskiisa ku sheegay inay tahay la heyste – loo adeegsanayo sida aalad gorgortan oo la xiriira deynta ay Britain ku leedahay Iran taas oo ku saabsan heshiis taangi oo aan weli dhaqangelin.

Wuxuu ka walaacsan yahay saameynta ay kala fogaanshaha qoyska ku yeelan karo xaaskiisa iyo Gabriella, oo haatan lix jir ah, taas oo xisaabineysay maalmaha ka harsan sii deynta hooyadeed.

Waxay ku soo laabatay UK si ay ula noolaato aabbaheed ayna iskuul u bilowdo bishii October 2019, iyada oo rajeyneysa in hooyadeed ay ku soo biiri doonto.

“Gabriella waxaa dhowr jeer loo ballan qaaday in ‘hooyo ay mar dhow imaan doonto,'” ayuu yiri aabbaheed.

Xilligii ugu xumaa Nazanin waxay ahayd sanadkii 2016, markaas oo ay keligeed qol mugdi ah isku soo xirtay. Dadkii wareysanayay ayaa si khaldan ugu sheegay in Richard uu xiriir kale leeyahay ayna ka hayaan caddeymo sawirro ah.

“Uma maleynayo inaan fahmi karo dhibka ay martay,” ayuu yiri Mr Ratcliffe.

“Waa khidad la soo jilay oo qof lagu niyad jebinayo. Cabsidaas iyo tacaddiga ayaana u horseeday inay ku fekerto inay is disho. Waxay igu tiri: ‘Way fiicnaan lahayd inaan iska dhinto adinkana aad noloshiinna sii wadataan.'”

Warqaddii ugu horreysay ee ay xabsiga uga soo dirto seygeeda, Ms Zaghari-Ratcliffe waxay iyada oo niyad jabsan ku qortay: “Maalin kasta iyo seken kasta waxaan galaa badweyn shaki ah, cabsi, qalqal, kelinimo… taaheyga lagama maqlo qolkaas yar ee qabowga ah.”

Waxay dareentay eed ah inay muddo dheer ka maqan tahay gabadheeda.

Waxay gabadheeda raalligelin uga soo dirtay xabsiga, iyada oo tiri: “Iga cafi habeennadii aanan dhinacaaga joogin ee aan qaban gacantaada ilaa aad ka gama’do.

“Iga cafi dhammaan xilliyadii aad u xiistay hooyadaa, dhammaan habeennadii ay ku heysay qandhada ilkaha soo baxaya ee aanan garabkaaga joogin; i cafi.”

Iyaga oo kumannaan meyl isku jira, qoyska waxay barta Skype ku wada hadli jireen labo jeer maalintii.

Ms Zaghari-Ratcliffe, oo haatan 42 sano jir ah, ayaa daawan jirtay Gabriella oo wax sawireysa wayna wada cayaari jireen.

Gabriella ayaa ka war dhowreysa inay la dabaalato hooyadeed, ayna maalin uun isku raacaan dukaanka lagu iibiyo alaabaha ay carruurtu ku cayaraan.

Lammaanaha ayaa rajeynaya inay cunug kale dhalaan, waxayse ka cabsi qabaan in waqtigu uu hayo.

Dabayaaqadii bishii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dominic Raab, ayaa telefoonka kula hadlay Ms Zahari-Ratcliffe oo ku sugan Tehran, isaga oo u xaqiijiyay in dowladdu ay sameyneyso wax walba oo dalka loogu soo celinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here