Maxay tahay raalligelinta reer galbeedku bixiyeen ee Erdogan qancisay?

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka laabtay hanjabaad uu ku sheegay inuu eryi doono toban safiir oo ka soo jeeda waddammada reer galbeedka ee ay xulafada yihiin, ka dib markii ay ballan qaadeen inaysan faragelin doonin arrimaha gudaha ee Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in danjirayaashu ay dib uga gurteen bayaan wadajir ahaa oo ay ku taageerayaan qof rayid ah oo xidhan.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda inuu baajiyay colaad qaawan oo uu la galay xulafada NATO oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Jarmalka.

Sabtidii, wuxuu amar ku siiyay wasaaradda arrimaha dibadda inay ku dhawaaqdo tobanka safiir oo dalalkaa ka soo jeeda in aan dalkan laga rabin.

Taas oo badana ka dhigan in afartan siddeed saac gudahood ay dalkaa iskaga baxaan, natiijadeeduna ficil qolada kalena ay ka aarsan lahaayeen.

Waxaa se hadda ay u muqataa in xaalka la dejiyey.

Osman Kavala Muddo afar sano ka badan ayuu xabsiga ugu jiraa isagoon la xukumin
Qoraalka sawirka,Osman Kavala Muddo afar sano ka badan ayuu xabsiga ugu jiraa isagoon la xukumin

Arrintan ayaa imaanaysa markii Maraykanku uu xaqiijiyay inay ka go’an tahay qodobbada Axdiga Vienna ee ka dhanka ah faragelinta arrimaha gudaha ee waddanka martida loo yahay.

Balse Mr Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in qof kasta oo aan ixtiraamin Turkiga uusan sii joogi karin halkaasi.

Waxa uu sheegay in baaqa safiirada ee ah in la sii daayo Ganacsadaha Cismaan Kavala uu yahay mid bahdil ku ah Garsoorka Turkiga.

Muxuu yahay xuddunta u ahaa xurguftii ka dhexeysay Erdogan iyo reer galbeedka?

Cismaan Kavala ayaa dib loo xidhay, kaddib markii hore loo sii daayey markii wax danbi ah lagu waayey.

Maxkamad ayaa amartay in si deg deg ah loo sii daayo horraantii sannadkii hore ka dib markii ay meesha ka saartay dacwadii lagu soo oogay isaga iyo sideed kale oo la xidhiidhay mudaaharaadyo dhacay 2013 -kii.

Wuxuu xabsiga ku jiray tan iyo sanadkii 2017 -kii, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu maalgeliyay mudaaharaadyo iyo inuu ka qeyb qaatay afgambigii dhicisoobay ee 2016 -kii, inkasta oo uu isagu iska fogeeyey kiisaskaas.

Waa ganacsade Turki ah, u dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada ah, samafale iyo maxbuus siyaasadeed.

Kavala waxa uu taageeraa ururo badan oo bulshada rayidka ah tan iyo horraantii 1990 -meeyadii.

Waa aasaasaha iyo guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha Anadolu Kültür, oo ah urur fanka iyo dhaqanka ah oo aan macaash doon ahayn oo fadhigiisu yahay Istanbul.

Sannadka 2019, wuxuu ka helay Abaalmarinta 21aad ee European Archaeological Heritage Prizeee taas oo uu ku kasbaday dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta iyo tusaalooyinka muhiimka ah ee dhaxalka iyo dhaqanka ah ee halista ku jira Turkiga gudihiisa.

Sannadkii 2019, wuxuu sidoo kale helay Abaalmarinta Xorriyadda Fikirka iyo Hadalka AyÅŸenur Zarakolu 17th oo ay bixiso Ururka Xuquuqda Aadanaha laanta Istanbul.

Bishii Sebtember 17, Golaha Yurub wuxuu soo saaray baaq ay ku dalbanayaan sii deynta ganacsadaha 64-jirka ah.

Mr Kavala ayaa beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay waxaana dadka dhaliila xukuumadda Erdogan ay sheegayaan in kiiskiisu uu tusaale u yahay cadaadiska baahsan ee lagu hayo mucaaradka.

Horraantii toddobaadkan, Mr Erdogan ayaa difaacay nidaamka garsoorka Turkiga, isagoo yiri: “Waxaan u sheegay wasiirkeenna arrimaha dibadda: inaan kooxda ku sii hayn karin dalkeenna.”

Laakiin Turkigu, ilaa hadda, wuxuu diiday inuu qirto xukunkii ay soo saartay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub (ECHR) 10 -kii Diseembar, 2019, kaasoo caddeeyay in Heshiiskii Xuquuqda Aadanaha ee Yurub la jebiyey sidaa darteedna la amray Kavala in si degdeg ah loo sii daayo.

ECHR waxay sheegtay in xadhigga Kavala uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, iyadoo aan la haynin caddaymo macquul ah oo taageeraya eedeymaha. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Turkiga ayaan fulin go’aanka waxayna sheegeen in xukunka ECHR uusan ahayn mid kama dambeys ah.

Haatanna, dalal dhowr ah ayaa cadaadis ku saaraya Turkiga arrinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here