Maxay tahay sababta ay isu casishay xukuumaddii Ruushka?

vladimir putin

Xukuumadda Ruushka ayaa gebi ahaanba iscasishay saacado un kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu soo jeediyay qorshe uu doonayo in wax lagaga badelo dastuurka, taas oo horseedi karta in uu xilka sii joogo mudo dheer.

Ra’iisul wasaaraha iscasilay ayaa sheegay in sababta ay isu casileen ay tahay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha madaxweynaha, si Ruushka uu u yeesho waji cusub oo siyaasadeed.

Haddii wax ka badelka lagu sameynayo dastuurka oo loo qaadi doonaa afti dadweyne uu hirgalo, waxay horseedi doontaa in awoodda madaxweynaha ay ku wareegto baarlamaanka.

Madaxweyne Putin ayaa sida dastuurka uu dhigaya qorshuhu yahay in uu xilka ka dego sanadka 2024-ka, xilligaasi oo ay ku egtahay muddo xileedka afarta jeer ee uu tartamay, balse waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in uu markale doonayo in xil kale uu qabto, sababta dasturka uu u badelayana ay tahay sidaas.

Waxaa kale jira warar kale oo sheegaya in uu damacsan yahay in si dadban uu u maamulo Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa qorshaha cusub u gudbiyay baarlamaanka dalka Ruushka, xillii uu khudbad u jeedinayay labada aqal ee barlamaanka.

Ilo Dowladda Ruushka oo ay BBC-da la hadashay ayaa sheegay in gollaha wasiirada aanay ka warqabin iscasilaada ra’iisul wasaaraha uu damacsanaa kahor ku dhawaaqista qorshaha cusub. Mana jirin cid fileysay in sidaas ay dhaceyso.

Muxuu Putin soo jeedinayaa?

Hogaamiyaha Ruushka ayaa labada aqal ee barlamaanka usoo jeediyay in afti dadweyne la qaban doona, isbadelna lagu sameyn doona dastuurka, si awoodda dalka loogu wareejiyo baarlamaanka.

Awoodda iyo mas’uuliyadda lagu wareejin doonaa barlamanaka Ruushka ayaa waxaa kamid ah in dowr muhiim ah ay ka qaataan magacaabista ra’iisul wasaaraha iyo gollaha wasiirada.

Madaxweynaha oo keliya ayaa haatan awood buuxda u leh soo magacaabista qofka noqonaya ra’iisul wasaare.

Medved oo ah ra’iisul wasaaraha iscasilay ayaa isagoo ag-fadhiya madaxwyene Putin wuxuu ku dhawaaqay in xukuumadii uu hogaaminayay ay iscasishay.

“Isbadelkan marka la dhaqan geliyo wuxuu horseedi doonaa isbadello kale oo muhiim oo aan ku koobneyn oo keliya qoddobo dastuurka ee la badelayo balse in la isu dheeli tiro awoodda hay’adaha fullinta, sharci dejinta iyo garsoorka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Medvedev.

Madaxweynaha ayaa ra’iisul wasaaraha iscasilay ka dalbaday in uu noqdo ku xigeenka Gollaha Garan ee Ammaanka, gollahan oo uu madax ka yahay madaxweyne Putin.

Sidoo kale madaxii canshuuraha ee dalka Ruushka, Mikhail Mishustin ayuu madaxweyne Putin ka dhigay ra’iisul wasaaraha cusub, kaasoo soo dhisi doona xukuumadda xigta.

Hogaamiyaha mucaaradka ee Ruushka, Alexei Navalny ayaa kasoo horjeestay aftida xukuumadda dalkaas ay dooneyso in wax lagaga badelo dastuurka, wuxuuna sheegay in afti walba oo dalkaas ka qabsoonta ay tahay mid aanan waxba ka jirin, ujeedkuna yahay sidii uu Putin xukunka u dheereysan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here