Maxay tahay sababta ay UK u yareyneyso tirada militarigeeda?

ukflag

Taliska militariga Britain ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada waddankaas, kuwaasoo laga jari doono ilaa 10,000 oo askari.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isku day ay UK ku dooneyso in ay awooddeeda ku tiirsanaato qalabka Kumbuyuutarrada sida dadka loo ekeysiiyay ee loo yaqaanno “Robots”, oo la doonayo inay galaan booska askarta bani’aadanka ah.

Waxaa kale oo Britain ay xoogga saareysaa in howlaheeda dhinaca cirka ay intooda badan ku fuliso diyaaradaha nooca uusan duuliyaha saarneyn ee loo yaqaanno drones-ka.

Isbaddalkan ay sameyneyso wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa la filayaa inuu sababo hoos u dhac ku imaada tirada taangiyada militariga iyo diyaaradaha – laakiin waxaa “la badin doonaa maraakiibta iyo doomaha qafilan ee biyaha hoostooda gala”. Sidoo kale ciidanka badda ayey suuragal tahay “in lagu kordhiyo naaquudeyaal kale”.

Marka la fuliyo go’aankan, waxaa tirada ciidamada militariga ee Britain ka go’aysa 72,000 oo askari, maadaama howray dhowr jeer loo dhimay sannadihii lasoo dhaafay.

Wasiirka difaaca ee waddankaas, Ben Wallace, ayaa lagu wadaa inuu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu ku faahfaahinayo arrintan.

Wallace ayaa BBC-da u sheegay uu go’aankan qaatay kaddib markii la isku afgartay in la kordhiyo miisaaniyadda ku baxda dhinaca difaaca.

Xisbiga Shaqaalaha ayaa sheegay in yareynta tirada militariga Britain ay kusoo aadday xilli ay sii korodhay khatarta soo wajaheysa Boqortooyada Midowday.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ayaa muujiyay in militariga UK ay bishii January ee 2021-ka ahaayeen 80,000 oo askari, iyagoo hoos uga soo dhacay 86,000 oo ay ahaayeen bishii October ee sanadkii 2015-kii.

Dhismita ugu dambeysa ayaa noqon karta mid si dabiici ah looga jaro ciidanka dhulka ee Britain, iyadoo aan la baddali doonin ciidanka isaga baxaya militariga.

Taas ayaa ka dhigan in aan shaqada laga eryi doonin askari, balse qofkii howlgab noqda ama iskiis u baxa aan booskiisa lagu baddali doonin qof kale, ilaa inta laga gaarayo tirada la cayimay.

Waaxda difaaca ayaa 10-ka sano ee soo socota la filayaa in ay hesho maalgalin toos ah oo ay ku baxeyso lacag dhan 200 milyan oo gini, si ay ugu fuliyaan howlaha ciidanka badda isla markaana “uga hortagaan khatar walba oo soo food saarta”.

Dowladda Britain ayaa tirada madaxyada hubka nuclear-ka ee ay heysato ka badisay intii ay ahaayeen. Madaxyadaas oo markii hore ahaa 180 ayaa laga dhigay 260.

Tallaabadan ayey dowladdu ku tilmaantay tii ugu weyneyd ee loo qaado dhinaca militariga tan iyo markii uu dhammaaday Dagaalkii Qaboobaa ee Dunida.

Dhaqaale cusub ayaa lagu kordhin doonaa howlaha dhinaca hawada, internet-ka, abuurista robots-ka iyo diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here