Maxay yihiin ciidamada Danab ee Mareykanka u tababaray Soomaaliya?

ciidanka danab

Waxaa taliye cusub loo magacaabay ciidamada kumaandoosta Danab ee Soomaaliya, ka dib markii xilka laga qaaday talihii hore, Ismaaciil Cabdimaalik.

Taliyaha cusub ee Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur (Beer yare), wuxuu horay u ahaa taliye ku xigeenka Danab, marna waxa uu horay usoo noqday taliyaha saadka ee ciidamada Danab.

Maxay yihiin ciidamada Danab?

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii bilowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.

Sida saraakiil dowladda ah laga soo xigtay ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.

“Waa ciidanka loogu baahi badan yahay in dalka uu yeesho, sababtoo ah dagaalka aan ku jirno oo ah ku dhufoo ka dhaqaaq ama waxa Soomaalida u taqaano dagaal jabhadeed; Danab kaalinta ay ka qaadan karto waxaa weeye in ay yihiin ciidan tababar heer sare leh, awoodna u leh in ay baacsadaan Al-Shabaab, wiiqaanna awooddooda,” ayuu yiri Jeneraal Bariise oo horay usoo noqday taliye ku xigeenka ciidanka milateriga ee dowladda Federaalka.

Sida ay BBC Somali u sheegeen saraakiil Danab ka mid ahayd, askeriga ku biiraya ciidanka Danab, waxaa la marsiiyaa baaritaan qoto-dheer oo lagu ogaanayo shakhsiyaddiisa, gaar ahaan in uu horay usoo noqday ciidan, in uu dembi soo galay iyo inkale, in uu mar uun ka mid noqday kooxaha Islaamiyiinta ah, in uu ku lug lahaa xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo waxyaabo kale oo lagu hubinayo askariga tayadiisa.

Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hogaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay, halkaas oo ay ku soo qaataan tababarro dheeraad ah oo la xiriira hoggaaminta ciidanka xilliyada dagaalka.

Sida ay BBC u sheegeen saraakiil hore uga tirsanayd Danab; saraakiisha hoggaamisa ciidankan ayaa marka hore lagu tababaraa mac-hadka barashada luuqadda ee Defence Language Institute (DLI) ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaas oo ay ku soo qaataan aqoon durugsan oo dhanka luuqadda ingiriiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here