Maxbuus Itoobiyaan ah oo calooshiisa laga soo saraay masaamiir iyo biro

masaabiir iyo biro

Madaxa cisbitaalka Arbaminch ee ku yaalla koonfurta Itoobiya ayaa BBC u sheegay in masaamiir gaareysa 30, biro iyo agab kale laga soo saaray caloosha nin maxbuus ahaa oo u dhashay dalkaas.

Temesgen Teshome wuxuu sheegay in ninka maxbuuska ah uu ku xukunnaa 7 sano oo xarig ah, haatana laga daweynayo xannuunka dhanka dhimirka ah.

Ninkan ayaa Talaadadii la soo dhaafay la dhigay cisbitaalka Arbaminch isago oo sheegayo in calool xanuun uu dareemayo ayna xaaladdiisa ay halis aheyd, sida uu sheegay Teshome.

Markii dhakhaatiirta ay weyddiyeen halka laga hayo, wuxuu ku jawaabay in uu liqay masaamiir.

Dhakhaatiirta ayaa markii dambe ninka maxbuuska ah caloosha ka saaray raajato (X-ray), waxaana la ogaaday in calooshiisa iyo mindhiciradiisa lagu arkay qalab ay ka mid yihiin masaamiir iyo biro.

Sida laga soo xigtay Temesgen Teshome, waxaa lagu sameeyay qalliin markii la arkay in dheef -shiidgiisa uu gebi ahaanba xiran yahay.

“Markii qalliinka lagu sameynayay, waxaa la ogaaday in qalabka ay dhexgaleen caloosha iyo mindhicirada, markaa waxay noqotay in si taxaddar leh loo qalo”, ayuu yiri Teshome.

Ku dhawaad 30 musmaar, afar qalin, cirbad, dun iyo biro adag, ayaa laga soo saaray calooshiisa.

Ka dib markii qalliinka lagu sameeyay, dhakhaatiirta waxay ninka saareen raajo kale, waxay xaqiijiyeen in calooshiisa uusan wax kale ku jirin.

“Xaaladdiisa wey wanaagsan tahay, wuxuu u baahan yahay baaritaano dheeraad ah. Wuxuu liqay qalab halis ah oo caarad leh, waxaa suuragal ah in uur ku jirtiisa ay dhibaato u gesyteen,” ayuu yiri madaxa cisbtaalka.

Wuxuu intaas ku daray in ninka maxbuuska ah uu u baahan yahay in mar kale baaritaan caafimaad la marsiiyo si loo baaro cunihiisa iyo baaritaan dhanka dhimirka ah.

Saraakiisha ayaa BBC u sheegay in ninka maxbuuska ah in uusan horey u dareemeynin xanuun dhanka dhimirka ah, balse uu xanuunkan la soo dersay markii la soo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here