Maxey tahay sababta uu muranka uga dhashey u weecista shidaalka Scuudiga?

saudi flag

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa difaacey safar uu ku tagey Sucuudiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay “isbaheysiga aad u ballaaran” si loo soo afjaro ku tiirsanaanta shidaalka iyo gaaska Ruushka.

But maintaining close ties with the Gulf kingdom is controversial among critics of its human rights record.Laakiin in lasii wado xiriirka dhaw ee boqortooyadan dhacda Khaliijka, ayaa ah mid muran uu ka taagan yahay, gaar ahaan dadka dhaleeceeya heerka xuquuqul insaanka ee dalkani.

Waa maxey sababta Shidaalka Sucuudigu muhiim u yahay?

Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa ku dhawaaqey iney ka iibsan doonaan Ruushka shidaalka iyo gaaska in ka yar intii hore, sababo la xiriira duullaanka uu Ruushku qaadey dalka Ukraine. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha shidaalka ayaa cirka isku shareerey.Sucuudiga waa dalka ugu soo saarista badan, marka la eego dalalka u iib geeya shidaalka dibadda, halka uu awood u leeyahay inuu qiimaha jabiyo sicirka shidaalka, isagoo kordhinaya dhoofinta.

Waxey la macno tahay in wadamada Reer Galbeedku ay doonayaan iney niyad sami u muujiyaan boqortoyada, jaalna lasii ahaadaan.

Fulinta ciqaabta dilka

Sucuudiga ayaa kamid ah dalalka ugu badan ee fuliya xukunada dilka ah.

Bishii Maarso, waxa uu dil toogasho ah ku fuliyey 81 rag maalin gudaheed, in ka badan sanadkii hore oo dhan. Waxaa lagu helay dadkan la diley dambiyo tiro badan oo aad u fool xun, oo ay ku jiraan argagaxisnimo, afduub iyo kufsi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee SPA..

Hey’adaha Xuquuqul Insaanka, ayaa sheegaya in qaar badan oo kamid ah dadka la eedeeyo ama la dilo, in aaney ka helin maxkamadeyn caddaalad ah gudaha Sucuudiga, dowladda ayaa eedeymahaas iska fogeysay.

Dilka wariyihii mucaaradka ahaa

Maqaamkii caalamiga ahaa ee Boqorooyada Sucuudiga Carabiya, ayaa waxaa si weyn u burburiyey dilkii 2018-kii lagu qaarajiyey Jamal Khashogi, oo ahaa saxafi u dhashey Sucuudiga, oo fadhigiisu yahay Mareykanka, si weyna u dhaliili jirey dowladda.

Khabiirka xuquuqul insaanka ee ay Qaramada Midoobay u magacawday, Agnes Callmard, ayaa sheegtay in wakiilada Sucuudiga “ay adeegsadeen qaab dowladeed si ay ugu dilaan Khashogi” qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed Bin Salman, iyo mas’uuliyiin sar sare, ayaa lagu eedeeyey dambiyo. In kasta oo amiirka dhaxal-sugaha ahi u dafiray inuu wax lug ah ku leeyahay dilka, haddana sumcaddiisa si xun bay u waxyeeleysay arrintan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa la weeydiiyey: “Ma adiga ayaa amrey dilka Jamal Khashogi?”

Kadib markii Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Boqortooyada Sucuudiga loo oggolaadey inuu iibsado saamiga 80% ee kooxda Newcastle United, gacalisadiisa u cindaneyd Mr Khashoggi, Hatice Cengiz, ayaa ku tilmaantey la wareegista “wadno-jab”.

Xariga dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka

Loujian al-Hathloul, oo u dhaq dhaqaaqda xuquuqda haweenka Sucuudiga, ayaa la sawirey, iyadoo kusii socota maxkamadda amniga, ee ku taal caasimadda Sucuudiga ee magaalada Riyadh, bishii Maarso 2-deeda, sanadkii 2021-ka.
Qoraalka sawirka,Loujain al-Hathloul ayaa lasii daayey bishii February, kadib ku dhawaad saddex sano oo ay xirneyd

Sanadkii 2018-kii, mas’uuliyiinta Sucuudiga, ayaa xirey 13 haween ah, kuwaasoo hormuud ka ahaa olole lagu doonayey in haweenka lagaga qaado xayiraadda ka saaran kaxeynta gawaarida.

Ugu yaraan afar kamid ah haweenkii la xirey, ayaa jirdil iyo fara xumeyn kala kulmey dadkii su’aalaha weeydiinayey.

Sanadkii 2020-ka, maxkamadda argagaxisnimada, ayaa ku heshay haweeneyda u dhaq dhaqaaqda xuquuqda dumarka, Loujian al-Hathloul, iney gashey dambiyo ka dhan ah dowladda.

Kadib markii racfaan laga qaatey xukunkii hore, haweeneyda katirsan hey’adda u doodda xuquuqda aadanaha Amnesty International, Lynn Maalouf, ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga iyadoo ku guul dareysatey ka noqoshada xukunka Loujian al-Hathloul, ayey si cad mas’uuliyiinta u muujiyeen iney u arkaan dambi dhaq dhaqaaqa nabadeed ee u ololeynta arrimaha bulshada.

Xirxirista lagula kacayo waxgaradka, culumada iyo isbeddel doonka

Dadka u dooda xuquuqda haweenka, ayaan aheyn dadka kaliya ee la xiray, taasoo qeyb ka ah olole ka dhan ah dadka dhaleeceeya Sucuudiga, halkaasoo laga mamnuucay xisbiyada siyaasadda, ururada shaqaalaha iyo ururada xuquuqda aadanaha ee madaxa bannaan.

Tobaneeyo qof, oo difaacayaasha xuquuqul insaanka, aqoon yahanno, culimo iyo isbeddel doon, ayaa sidoo kale la xirey, tan iyo sanadkii 2017-kii, kaliya iyaga oo sameeyey xaqa ay u leeyihiin iney rayigooda cabiraan, sida ay sheegeen hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Qaar badan ayaa la kulmay waxa ay hey’adda Amnesty ku sheegtay iney ahaayeen maxkamadeyn caddaalad darro ah, oo la xiriira argagaxisnimo aan caddeyn loo heyn, iyo dambiyo dhanka Internet-ka ah, waxaana lagu xukumay xukunno adag, oo ay ku jiraan xukun dil ah.

Maalmo kahor, la wareegista kooxda Newcastle United, maxkamad ayaa gaartey xukun labaatan sano ah, oo lagu xukumey samafale Sacuudi Mareykan ah, oo lagu magacaabo Abdul Rahman al-Sadhan, kadib markii uu qorey qoraallo uu ku dhaleeceynayo maamulka.

Dagaalka Yemen ee lagu hoobtay

Nin dhex socda haraaga dhismo ku burburey duqeymo dhanka cirka ah oo xulufada Sucuudiga hoggaaminayo ay ka fuliyeen magaalada Sanca ee dlaka Yemen, 7-dii October, ee sanadkii 2021-ka.
Qoraalka sawirka,Dagaalka Yemen ayaa dhaliyey waxa ay Qaramada Midoobay ku sheegtay iney tahay dhibaatada bani’aadanimo ee ugu xun adduunka

Sucuudiga ayaa si weyn looggu dhaleeceeyey ololaha military ee ka socda dalka ay jaarka yihiin ee Yemen, oo sababay masiibo bani’aadanimo.

Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo, ayaa soo fara galiyey dalka Yemen sanadkii 2015-kii, kadib markii fallaagada Yemen ay qabsadeen inta badan galbeedka dalkaas, waxeyna ku qasbeen madaxweynaha inuu u baxsado dibadda.

In kabadan 100,000 oo qof, ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen dagaalkan.

Tobanaan kun ayaa sidoo kale lagu qiyaasay iney sababo aan si toos ah ula xiriirin dagaalka ay u dhinteen, sida cunto la’aan, adeegyo caafimaad iyo kaabayaashii dhaqaalaha oo burburey. Godoominta ay ku dhaqaaqeen qeyb kamid ah isbaheysiga, ayaa caqabad ku noqotey dadaallada lagu caawinayo labaatanka milyan ee qof, oo u baahan gargaar bani’aadanimo.

Khubarada Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in laga yaabo in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay galeen dambiyo dagaal, inkastoo isbaheysiga uu ku adkeystay inuu dhowrayo shuruucda dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here