Maxkamad amartay in lasoo qufo meydka kaligii taliye hore

Francisco Franco

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Spain ayaa go’aamisay in lasoo qufo meydka hogaamiyihii kaligii taliska ahaa ee Francisco Franco si loogu aaso goob kale.

Waxaa go’aankaas taageertay dowladda hanti-wadaaga kaas oo la doonayo in meydkiisa laga soo saaro qabuuraha dowladda si loogu aaso qabuuro kale.

Qoyska Franco waxay racfaan ka qaateen go’aanka lagu soo qufayo meydkiisa balse maxkamaddu ayaa diidday codsigooda.

Waxay arrintani dalka Spain ka dhalisay muran badan.

Waa kuma Francisco Franco?

  • Waxaa uu noqday janaraalkii ugu da’yaraa ee soo mara Spain sannadkii 1926-kii, waxaa uu xilliggaas jiray da’da 33.
  • Kaddib 1936-kii, Franco iyo saraakiil kale waxay ka qeyb qaateen kacdoon kaas oo horseeday dagaallo sokeeye oo socday muddo 3 sanno ah.
  • Waxaa caawiyay Nazi-gii Jarmalka iyo Mussolini ee Talyaaniga ahaa, Franco waxaa uu guulo ka gaaray dagaalkii sokeeyee sannadkii 1939-kii, waxaa uu noqday kaligii talis isugu dhawaaqay madaxweynihii dalka.
  • Waxaa uu xilka hayay tan iyo sannadkii 1975-kii, wixii maamulkiisa ka dambeeyay Spain waxay noqotay dal Dimuqraadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here