Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday rag dilal ka geystay Muqdisho

xasan cali nuur shuute

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah xukun adag ku ridday rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo horey dilal qorsheysan uga geystay gudaha magaalada Muqdisho.

Raggan oo lagu kala magacaabo Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muudey ayaa lagu soo eedeeyey dilal ay u geysteen saraakiil ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Sidoo kale xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in raggan13-kii bishii November ee 2019-kii ay si wadajir ah u dileen marxuum Cali Cabdulle Maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale ku eedeysay labada nin ee la xukumay dilka marxuum Cabdullahi Axmed Hilowle oo isna ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka ee Xamar.

Intaasi kadib guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in raggan ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyey, sidoo kalena loo helay markhaatiyaal ku caddeeyay dacwadda dilka ah ee lagu soo oogay, sidaas daraateedna, wuxuu ku dhowaaqay in lagu xukumay dil toogasho ah.

Ugu dambeyn guddoomiye Shuute ayaa tilmaamay in xukunsanayaasha ay heystaan fursad kale oo ay rafcaan ku qaadan karaa muddo ku siman illaa 30 cisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here