Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska Soomaaliya iyo Kenya

kenya iyo somalia map

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka illaa 13-ka bishan September.

Maxkamadda ayaa hadda kiiskaas dib u dhigtay muddo kaba bilood oo ah ilaa bisha November ee sanadkan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay sidaas codsatay Kenya, oo ku andacootay inay dooneyso inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore.

Si kastaba, maxkamadda ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, waxaana hadda laga doonayaa inay maxkamadda hor-timaado bisha November.

Inkasta oo Soomaaliya ay dooneysay inaan kiiska dib loo dhigan, haddana dib u dhigista muddada labada bilood ah, ayaa loo arkaa guul ay Soomaaliya gaartay, sababtoo ah waxaa la rumeysan yahay in Kenya aysan daacad ka ahayn dib u dhigista iyo cudur-daarkeeda.

Kenya ayaa la rumeysan yahay inay dooneysay inay muddada 12-ka bilood ah uga faa’iideysato inay cadaadis kale oo caalami ah ku saarto Soomaaliya, kadib markii ay fashilmeen dadaalladeeda hore.

Waxaa muuqata inay yar tahay waxa ay Kenya ku sameyn karto laba bilood gudahood, taasi oo weli ah rajo siineysa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here