Maxkamadda ICJ oo kulan deg deg ah ugu yeertay Kenya iyo Somalia kadib codsi cusub oo ka yimid Kenya

ICJ hague

 Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Arrintan ayaa timid kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020.

Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota.

Codsiga cusub ee Kenya ayaa waxaa si xooggan uga hor-yimid Soomaaliya, oo ku adkeysatay in kiiska la dhageysto 4-ta November, sida maxkamada ay horey u qorsheysay.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda magaalada Hague ee xarunta maxkamadda ku sugan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qareenka guud ee Kenya Kennedy Ogeto.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhowaaqdo go’aankeeda ku aaddan codsiga cusub ee Kenya, kadib marka ay dhageysato wakiilada labada waddan ka kala socda. sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here