Maxkamadda ICJ oo soo saartay faahfaahin ku saabsan dhegaysiga kiiska Kenya iyo Somalia

kenya iyo somalia map

Maxkamadda ICJ ayaa warbixin cusub kasoo saartay Kiiska dacwadda Badda ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib go’aankii dib loogu dhigay muddo laba bilood ah.Maxkamadda ayaa sheegtay in dadkii isku diiwaan geliyey inay ka qeyb noqdaan kulankii Maxkamadda ee baaqday looga baahan yahay in mar kale is diiwan geliyaan.

4-ta November oo ah maalinta koowaad ee Maxkamadda ahna Maalin Isniin ah ayaa waxaa la dhegeysan doonaa Soomaaliya, waxaana jaanis la siiyey 10:00Am illaa 1:00Pm iyo  3:00Pm illaa 4:30 galabnimo.

Dowladda Kenya ayaa iyadana doodeeda soo jeedin doonto Maalinta Arbacada ah 10:00Am illaa 1:00Pm iyo  3:00Pm illaa 4:30 galabnimo.

Maalinta Sedexaad ee Maxkamadda oo ah Todobada Bisha November ayaa waxaa fursad kale la siin doonaa dalka Soomaaliya saacadda marka ay tahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo.

8-da Bisha November oo ah Maalinta ugu dambeyso ee dhageysiga dacwadda ayaa waxaa leh Dowladda Kenya oo maalinteeda labaad u noqoneyso waana Maalin Jimco ah, waxayna soo jeedinteeda leedahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo.

24-ka Bisha October ayaa ugu dambeyn loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan dadka doonayo inay ka qeyb galaan fadhiga soo socdo ee maxkamadda kuwaas oo isugu jiro Diblomaasiyiinta, Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale.

Dowladda Kenya ayaa sabab u aheyd inay baaqato dhageysiga Maxkamadda oo lagu ballansanaa sagaalka Bishaan kadib markii ay dalbatay in dib loogu dhigo.

Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay cosiga Dowladda Kenya inkastoo ay kaliya ku dartay 2 bil halka Dowladda Kenya ay codsatay in dib loogu dhigo ilaa 12 Bil.

Dowladda Kenya ayaa muujisay cabsi ku aadan in looga guuleysan doono Dacwadda taalo Maxkamadda ICJ, waxayna isku dayday inay meel kasta u marto sidii loo joojin lahaa dacwadda balse Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaysan wax wada hadal ah ka geli doonin Kiiskaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here