Maxkamadda sare ee Kenya oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee Kenya uga baxeyso kiiska ICJ ee badda

somalia kenya flag

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 7-da October u mudeysay inay dhageysato codsi raadinaya in dowladda Kenya laga joojiyo inay  ka qeyb-qaadato kiiska horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee badda Soomaaliya.

Codsigan oo ay diiwaan-geliyeen 20 qareen oo Kenyan ah oo uu hoggaaminayo Kiriro Wa Ngugi ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Kenya ay uga baxsaneyso kiiska maxkamadda ICJ.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya, Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Antony Mrima aya asidoo kale ku dhowaaqay in 9-ka iyo 10-ka October ay yihiin maalmaha sidoo kale la dhageysan doono kiiska.

Qareen Kibe Mungai ayaa doonaya in maxkamadda sare ay go’aan gaarto ka hor 4-ta bisha November,  oo la waqtiyeeyey in maxkamadda ICJ ay dib u dhageysato kiiska Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada kisikan wada ayaa sidoo kale doonaya in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Ma cadda go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda sare ee Kenya, hase yeeshee dadka qaar ayaa rumeysan in qareenada kiiska gudbiyey iyo dowladda ay is og yihiin, islamarkaana xukuumadda  Uhuru ay raadineyso cudur-dara ay uga baxdo kiiska ICJ.

Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo si ay u qorato qareeno cusub, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa dhowaan sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda.

“Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda mid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here