MAXKAMADDA SARE EE PUNTLAND OO GO’AAN KAMA DAMBAYS AH KA GAARTAY KIIS KUFSIYA

eedaysane Kiiskii Hodan Shanlayste

Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya xukun kama dambaysa ah ku ridday, xukmane lagu magacaabo Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo ku eedaysan kiis kufsiya.

Xukumane Mukhtaar oo da’diisu tahay 36-sano jir, islamarkaana la nool cudurka HIV/AIDS-ka, ayaa lagu helay in uu 3-dii bishii Maarso 2019 degaanka ka tirsan gobolka Mudug uu kufsi ugu gaystay dhibbane Farax Jaamac Faarax oo ah gabar markaas da’deeda lagu sheegay  9-sanno jir.

11-kii April 2019, maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Mudug ayaa Mukhtaar ku xukuntay dil toogasho ah iyo in uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya $5000 Dollar, kaas oo ku qiimaysan mag-dhowgii bikra-jebinta.

Balse, maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa xukunkaasi burisay 1-dii October 2019, waxaana ay xukmane Mukhtaar ku ridday 20-sano oo xabsiya, inkastoo aysan waxba ka beddelin ganaaxii lacageed ee lagu xukumay.

Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland oo maanta go’aan kama dambays ah ka gaartay kiiska Mukhtaar, ayaa si buuxda u ayidday xukunkii maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, oo ahaa 20-sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $5000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here