Meydka Haweeney laga helay Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho

suleekha yuusuf barkhadle

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Hotel ku yaal laga helay meydka Haweeney.

Meydka Haweeneydaan ayaa laga helay Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana kiiskeeda la wareegay Heyadda Dambi Baarista Booliska ee CID.

Haweeneydaan ayaa lagu magacaabi jiray Suleekha Yuusuf Barkhadle, waxaana la waysanaa dhawr Saacadood oo ay gurigeeda ka maqneyd.

Suleeqo ayaa aheyd hooyo heysatay Shan carruur ah oo agoon ah, waxaana la sheegay in horey looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydaan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay.

Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer.

Kiisaska dilalka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii dambe kusoo badaney Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwa joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here