Mid ka mid ah Beelaha Jubbaland oo kalsooniddii kala noqotay Axmed Madoobe

Axmed Madoobe3

Mid ka mid ah Waxgaradka Beelaha dega Jubbaland oo shirk u yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in maanta laga bilaabo aysan wax wada shaqeyn ah dhexmari doonin iyaga iyo maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxay sheegeen in ciidamo Kenyanti ah Madaxtooyada Kismaayo ay ku ilaaliyaan waxay ugu yeereen maamulkii hore iyo xulafadooda.

Waxay sheegeen in dulmiga lagu hayo aysan usii dulqaadan doonin islamar ahaan taana ay wax walbo kala bixi doonaan oo ay uga horeeyaan ciidanka Beesha ugu jira maamulka Jubbaland, sida ay warka ku sheegeen.

Degaamadda ay degaan Beelweynta Cawramale ayaa waxay ka tashadeen maamulka Waqtigiisu dhammaaday ee Axmed Madoobe, waxayna ku eedeeyeen hoggaanka Jubbaland in wax badan ay duudsiyeen.

Axmed Madoobe ayaa wajahaya caqabado badan oo kaga imaanaya qaar ka mid ah beelaha dega Jubbaland, kuwaasi oo ku qanacsaneyn hannaankiisa maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here