Mid ka mid ah ergadii Xildhibaanada soo doortay oo lagu dilay Afgooye

nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye Ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu goordhaweyd dil ka dhacay.

Dableey Bistoolado watay ayaa khaarajiyey Nabadoon Ibraahim Maxamed oo ka mid ahaa Dadka sida weyn looga yaqaanay Afgooye.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsaday kadib falkaasi markii ay fuliyeen iyadoo meydka markii dambe goobta laga qaaday.

Ibraahim Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa ergadii soo doortay Xildhibaanada Federaalka kasoo galay Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qof ku sugan Afgooye waxa uu sheegay inay dadka guryahooda ku kala xaroodeen oo ciidamo badan gaad wareegayaan Xaafadaha Degmada.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegta dilka Ergada, kuwaas oo ku goodiyey inay marnaba ka bad baadi doonin, inta aan deegaanadooda tegin ee cafiska doonan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here