Mid kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo dhaqan galay

garoonka muqdisho adan cade1

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay maanta mid ka mid ah qoddobadii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Sarkaal u hadlay Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la furay duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ay si toos ah ugu duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa bilo ka hor soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajir si baaritaan loogu sameeyo.

Dib u bilaabista duulimaadka tooska ah ee Muqdisho ayaa ku soo beegantay iyadoo kulan xalay uu isugu yimid Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu ku tilmaamay heshiiska ay gaareen madaxda Soomaaliya iyo Kenya mid horumar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here