Midowga Afrika oo shaaciyey tirada dalalka Afrika ee laga helay caabuqa CORONAVIRUS

Coronavirus

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa halista badan ee Coronavirus.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in kiisas la xariira cudurkaasi Covid-19 laga helay Waddamada Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo dalalka kale ee qaaradda Afrika.

Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya dunida ayaa waxaa u dhintay dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa wadanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo bilowday.

Wadamadii ugu dambeeyey ee uu gaaray cudurkaan waxaa sidoo kale ka mid ah Sacuudiga iyo Mareykanka oo laga helay kiisas cusub.

Halkaan hoose ka aqriso liiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here