Midowga Musharaxiinta oo Qoor Qoor ku eedeeyay inuu ka been sheegay waanwaantii uu la waday

Musharaxiin somalia

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu ka been sheegay waanwaantii uu waday ee la xiriirtay arrimaha doorashada.

“Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri afhayeenka Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka wuxuu sheegay ineysan suuragal aheyn boob lagu sameeyo doorashada, islamarkaana ay tahay wax aan qurux badneyn in dowladda Soomaaliya ay qaadato go’aan aan loo dhameyn.

Hadalka kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya kadib markii Qoorqoor uu shir jaraa’id ku shaaciyay inuu wax jawaab ah ka waayay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka, taasna ay ku qasabtay inuu wax ka qaato go’aanka horay loogu wadayo doorashada.

“Waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo bixin madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale iyadoo ay madaxda qaranka sameeyeen tanaasul,” ayuu yiri Qoor Qoor, oo madaxtooyada Soomaaliya ay u adeegsaneyso inuu muuqaal xun ka bixiyo mucaaradka

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxey isku dayday intii ay awooday in dalka laga hirgaliyo doorasho heshiis lagu wada yahay, waqti kalana yaan laga lumin dalka,” ayuu yiri mar kale Qoor Qoor.

Dhanka kale caawa waxaa loo ballamay inay shir deg deg isugu yimaadaan Midowga Musharaxiinta, waxeyna ka hadli doonaan go’aanka kasoo yeeray dowladda oo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here