Midowga musharaxiinta oo war ka soo saaray go’aankii ay DF ka qaadatay Kenya

Musharaxiin somalia

War-saxaafadeed ka soo baxay midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyey isku dayga uu madaxweyne Farmaajo cadaawadda Kenya ugu adeegsanayo ololihiisa doorashada, si la mid ah sidii uu Ethiopia ugu adeegsaday 2016.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta midoobey.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in Goluhu uu u arko go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu wuxuu ka welwelsan yahay saamaynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karo Soomaalida ganacsiga ku leh dalka Kenya, ardayda wax ka barata, qaxootiga xeryaha Kenya ku jira, iyo dadka degan iyo kuwo safraya intaba.”

War-saxaafadeedka musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu muujiyey shaki ah in madaxweyne Farmaajo uu ololaha doorashadan ku geli doono Kenyaan naceyb, si la mid ah kii hore oo uu ku galay Itoobiyaan naceyb.

“Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 ay Kenya ay ahayd saldhigga ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo hal hayska ololihiisa doorashana uu ahaa in Itoobiya tahay cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, laakiin xilligan ay sida kale isku rogtay” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii qoraalka midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri, “Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska waa inuu ku salaysnaadaa danaha joogtada ah ee dalku leeyahay ee aysan marba la rogrogmin rabitaaanka, laablakaca iyo ololaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here