Midowga musharraxiinta oo digniin culus ka soo saaray hub loo soo wada DF Soomaaliya

Musharaxiin somalia

Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta xilka madaxweynaha ee 2021-ka ayaa waxa lagu sheegay inay walaac xoogan ka qabaan hub ay sheegeen in 16 illaa 18 -ka bishan loo soo wado Soomaalya.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in hubkaas oo ay la socoto saanad milatari ay qorsheyneyso inay Muqdisho keento dowladda Turkiga.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay si gaar ah uga walaacsan yihiin xilliga lagu soo aadiyey hubkan, maadaama Soomaaliya ay galeyso doorashooyin.

“Golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale golaha ayaa intaasi sii raaciyey “Sidaa darteed shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda,”

Ugu dambeyn musharraxiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday dowladda Turkiga inay dib u dhigto keenista hubkaan, illaa inta laga gudbayo marxalada kala guurka & doorashada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.

Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here