Midowga Yurub iyo Luxembourg oo si xun u bah-dilay Pompeo

sec Pompeo

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa baajiyey safar uu ku tegi lahaa Yurub, kadib markii wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg iyo saraakiisha Midowga Yurub ay diideen inay la kulmaan.

Saraakiisha Yurub ayaa qaadacay Pompeo maalmo kadib markii burcad taageersan madaxweyne Trump ay qabsadeen xarunta Congress-ka, taasi oo ah weerar aan horey u dhicin oo lagu qaaday dimqoraadiyadda Mareykanka, kana yaabiyey hoggaamiyeyaasha caalamka.

Pompeo, oo ah xulufo aad ugu dhow Trump, ayaa doonayey inuu Jean Asselborn kula kulmo dalka Luxemburg oo ah dal yar balse ah hodan muhiiim u ah gaashaanbuurta NATO, kahor inta uusan hogaamiyeyaasha Yurub kula kulmin magaalada Brussels, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Safarka Pompeo ee Luxemburg ayaa la baajiyey kadib markii saraakiisha ay ka cago jiideen inay ballan saacadeed u qabtaan. Safarka Brussels ayaa sidoo kale la baajiyey.

“Hogaamiyeyaasha Yurub waxay ceeb u arkeen la kulanka Pompeo kadib rabshadihii Arbacadii tagtay ka dhacay Washington,” waxaa sidaas yiri diblomaasiyiin Yurub ah oo la hadlay Reuters.

Trump ayaa taageerayaashiisa ku dhiirigeliyey inay ku xoomaan Aqalka Capitol Hill oo ay ka socotay ansixinta doorashadii Joe Biden ee xilka madaxweynaha Mareykanka, taasi oo Trump uu diiday inuu aqbalo in looga adkaaday.

Pompeo ayaa cambaareeyey rabshadihii Capitol Hill-ka hase yeeshee wax tixraac ah kuma sameyn beenta Trump iyo inuu taageerayaashiisa kiciyey.

Isaga oo ka yaabay rabshada ayaa wasiirka arrimaha dibbeda Luxemburg, Asselborn waxa uu Trump ugu yeeray “dambiile” iyo “qaswade siyaasadeed”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here