Midowga Yurub oo ka hadlay weerarkii duleedka Balcad

nicolas berlange eu

Danjiraha ururka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa si kulul uga hadlay weerarkii sabtidii ka dhacay duleedka degmada Balcad ee lagu laayey askar ka tirsanaa ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Nicolas Berlanga ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo weerarkaasi, islamarkaana uu aad uga xun yahay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaga oo ka wakiil ah Midowga Yurub uu tacsi u dirayo dowladda Burundi, qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen askartaasi.

“Aadbaan uga xunahay weerarkii lagu dilay askartaas oo naftooda u huray, sidii nabad looga dhigi lahaa Soomaaliya.” ayuu yiri Nicolas Berlanga.

Burundi ayaa xaqiijisay in weerarkaasi oo dhabo gal ahaa looga dilay illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda ka howgala gudaha Soomaaliya.

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasina waxa ay baahisay in ay ku dishay 14 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here