Midowga Yurub oo ku baaqay in RW Rooble lagala shaqeeyo hirgalinta doorashada

nicolas berlange eu

Midowga Yurub ayaa ugu yeeray dhammaan dhinacyad Siyaasadda ee Soomaaliya in ay kala shaqeeyan Raysawasaare Rooble hirgalinta doorasho wanaagsan iyo arrimaha siyaasadda, si loo gaaro horumar wanagsan oo ku wajahan tubta doorashooyinka ee dalka.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Nicolas Berlanga ayaa sheegay in looga baahan yahay cid kasta oo doorashada doonayso in ay si hufan ula shaqeyso Raysalwasaaraha Xukuumadda Faderaalka.

“Kuwa doonaya in ay doorashada door fiican ka ciyaarayaan/qaataan waa in ay Raysalwasaare Rooble ku taageeraan shaqada muhiimka ah ee uu wado” ayuu yiri Ambasador.

Sidaas oo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in kuwa doonaya in ay fowdo iyo dagaal abuuran ay ka shaqeynayaan jid aan sax aheyn.

“In Mogadishu Ciidamada laga saaro waa door muhiim ah hada, fowdo , Maleeshiyaad iyo kantrool la,aan maaha mid Soomaaliya caawinaysa” ayaa lagu yiri qoraalkan oo koobnaa.

Saacadihii lasoo dhaafay qaar kamid ah xildhibaano katirsan golaha Shacabka, kana mid ah Saaxiibada Madaxweyne hore oo soo xukumay Soomaaliya ayaa abaabulay maleeshiyaad qabaa’il, oo sida ay sheegeen ay ku doonayaan in ay awooda ku qabsadaan.

Dhawaaqa ka yimi Midowga Yurub, ayaa kusoo beegmaya xili Raysalwasaaraha Soomaaliya Max’ed Xuseen Rooble amray in looga baahan yahay in ciidamadu ay dib ugu laabtaan xeryahooda, laga dhex-saaro siyaasadda, uuna sheegay in uu magacaabayo guddi gaar ah oo ka shaqeynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here