Milateriga Mnyamar oo eedeymo usoo jeediyay Aung San Suu Kyi

Aung San Suu Kyi

Booliska dalka Mnyamar oo sidoo kale loo yaqaano Burma ayaa dhowr dacwadood kusoo eedeeyay hogaamiyaha rayidka ee la doortay ee dalkaas, Aung San Suu Kyi kadib afgembigii milateriga ee dalkaas ka dhacay horraantii toddobaadkan.

Waraaq kasoo baxday booliska dalkaas ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha dalkaas xabsi guri la geliyay ilaa 15-ka bisha Febraayo, waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay kamid ah inay ku xad-gudubtay sharciga dhoofinta iyo wax soo dejinta ee dalkaas iyo inay soo iibsatay qalab isgaarsiin oo sharci darro ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda halka ay ku sugan tahay Aung San Suu Kyi inkastoo la leeyahay waxaa lagu haya guri ay degan tahay oo ku yaalla caasimadda dalkaas Nay Pyi Taw.

Sidoo kale madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas, Win Myint ayaa isna kamid ah dadka dacwadaha loo soo jeediyay sida ku xusan dukumenti ay soo saareen booliska dalkaas. Waxaa isna lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay sharciga looga hortagayo faafidda feyraska corona, waxaana la geliyay xabsi guri laba asbuuc ah.

Ilaa iyo hadda labada hogaamiye ayaanan wax war ah laga maqlin tan iyo markii ay milateriga xilka la waregeen.

Afgembiga ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha ciidamada Min Aung Hlaing, kaas oo sameeyay guddi dhan 11 qof oo ah milateri katirsan, kuwaas oo dalkaas maamuli doonaa mudada sanadka ah ee uu ku jiro xaaladda degdeg ah.

Milateriga dalkaas ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in wax-isdaba marin ay harreysay doorashadii sanadkii hore ka dhacay dalkaas.

Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaas isniintii lasoo dhaafay, kadib markii ay xabsiga u taxaabeen Aung San Suu Kyi oo uu xisbigeeda talada hayo iyo siyaasiyiin kale.

Telefishinka milateriga ayaa sheegay in xaalad degdeg ah Myanmar lagu soo rogay muddo sanad ah.

Afgembiga ayaa kus oo beegmaya kadib markii ay xukuumadda rayidka ah iyo taliska milateriga isku khilaafeen natiijada doorashadii sanadkii hore ka dhacday Myanmar.

Xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, ayaa doorashadii November ka helay kuraasta baarlamaanka in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumad cusub, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.

Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo toddobaadkan.

Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay “Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin degdeg ah sameyn, waxaana doonayaa in ay sharciga raacaan,” ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono.

Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan.

Waa Tuma Aung San Suu Kyi?

Aung San Suu Kyi, waa gabadha uu dhalay geesiga xuriyadda dalka Myanmar,ee General Aung San.

Waxaa la dilay iyadoo 2-sano jir ah, wax yar uun kahor markii ay Myanmar xuriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948.

Ms Suu Kyi, ayaa mar loo arkayay in ay tahay tusaale u taagan xuquuqda aadanaha, waa qof u ololeysa mabda’a, taas oo ka tanaasushay xuriyaddeeda, si ay ula dagaalanto Jeneraalladii arxanka darnaa ee tobonnaanka sano xukumayay dalka Myanmar.

Sanadkii 1991, ayaa la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilligaasi oo ay xabsi guri ahayd, waxaana lagu sumtay awoodda dadka aan awooda lahayn. Ms Suu Kyi, ayaa ku dhawaad 15-sano xabsi ku qaadatay intii u dhaxeysay sanadkii 1989 iyo 2010.

Bishii November, 2015, waxa ay hogaamiye ka noqotay xisbiga National League for Democracy (NLD), kaas oo ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo ee Myanmar ka dhacda mudoo ku siman 25-sano.

Dastuurka Myanmar, ayaa ka mamnuucaya in ay madaxweyne ka noqoto dalkaas, maadaama ay heysato carruur uu ka dhalay nin ajinabi ah oo aan dalkaas u dhalan. Balse Ms Suu Kyi, oo hadda 75-sano jir ah ayaa dadku ay u arkaan in ay tahay hogaamiyaha saxda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here