Militariga dalka Ethiopia oo si rasmi ah ugu dhowaaqay dagaalka Tigray iyo duqeyn ka

ethiopian army

Militariga Ethiopia ayaa goordhow iclaamiyey inuu si rasmi ah u billowday dagaalka ay kula jiraan xisbiga maamula gobolka Tigray, xilli dagaalka uu galay maalintii sadexaad, islamarkaana ciidamo badan lasoo dhoobay xuduudda gobolka.

“Waddankeena wuxuu galay dagaal uusan fileyn. Dagaalkan waa mid ceeb ah oo aan ujeedo lahayn,” waxaa sidaas yiri Berhanu Jula, oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa.

“Waxaan ka shaqeyneynaa in dagaalka uusan usoo gudbin bartamaha waddanka. Halkaas ayuu ku dhammaan doonaa, gobolka Tigray,” ayuu yiri Berhanu.

Daqiiqado kadib shirkaas jaraa’id ayaa diyaaradaha dagaalka dowladda waxay duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo beegsaday bartilmaameedyo aan illaa iyo hadda la ogeyn.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, iyo xaaladda guud ee magaalada Mekelle oo laga jaray isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas.

“Waxa nalaga faafiyey waa dagaal cad, iyo qabsasho,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebremichael oo maanta shir jaraa’id qabtay.

“Kani waa dagaal aan u galeyno inaan ilaalino jiritaankeena,” ayuu yiri.

Debretsion ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo galbeedka gobolka Tigray, islamarkaana ciidamada federaalka ay isku urursanayaan xuduudda gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Diblomaasiyiin ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay inay u badan tahay inuu jiro khasaare labada dhinac ah, hase yeeshee saraakiisha Ethiopia shaaca kama qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here