Minneapolis: 5 qof Soomaaliya oo ku geeriyootay dab kacay dabaq dheer

Minneapolis dab dabaq usa

Inta la xaqiijiyey ilaa Shan qof ayaa ku Geeriyootay afar kelana waa ay  ku dhaawacmeen kaddib markii uu dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka.

Dabka ayaa waxaa uu ka bilowday dabaqa 14aad ee Dhismaha uu dabka ka kacay oo ka kooban 25 Biyaano, waxaana Shanta Ruux ee geeriyootay Afar kamid ah ay ahaayeen Soomaali dhismahaasi ku noolaa.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool agagaarka Dhismaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegen in dadka badi ay u geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u badnaa, iyaga oo sharaxaad ka bixiyey sida uu dabka ku bilaawday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here