Monica Juma: Kiiska Soomaaliya aad buu u jilicsanyahay

monica juma

Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Monica Juma oo wareysi gaar siisay BBC-da ayaa sheegtay in kiiska badda ee Soomaaliya uu yahay mid aan adkayn.

”Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyo oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay oo ay iyada ku gacan sareeyo kiiska maxkmadda, laakiinse inaga taasi ma aaminsanin, sababtoo waxaan haysanaa kiis dhan walba ka adag, balse ma rabo in aan ka hor dhaco,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee Kenya.

Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la’is weeydiinin.

”Somaaliya iyadoon cid kaleba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay oo ah halkii ugu dambeysay mana aaminsani in taasi ay keeneyso xal waara”, ayay tiri Monica Juma.

Dhinaca kalana Maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa goor sii horeeysay shaacisay xiliga ay dhageysaneyso muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ oo horay u go’aamisay inay dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa labada dal ayaa waxaa ka soo horjeeday Dowladda Kenya oo iyadu dooneysay in khilaafka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha Sabtembar ay dhageysan doonto dooda labada dhninac ee xuduudda badda.

Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta.

Inkstoo maxkamadda aysan si rasmi ah uga hadlin xiliga ka go’aan gaarista iyo waxa laga hadlayo ayaa dadka darsa arrimahaas waxay qabaan in la dhageysan doono waxa dhinacyada ay ku doodayaan.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal

Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed
Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed

Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here