Mucad Dheere iyo ilaaladiisa oo howlgal lagu khaarijiyey

danab kumandoos2

 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ay ka sameeyeen degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmadaas oo ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab & ilaaladiisa.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad Dheere) iyada oo sidoo kale howl-galkaas lagu khaarijiyey 10 dagaalame oo la socotay.

Warka ka soo baxay taliiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Mucaad Dheere uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca gobollada Jubbooyinka.

”Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo xubnaha lasocday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay ka joogeen Sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday, ayaa lagu yii qoraalka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi lagu dilay Mucaad Dheere oo ka mid ah saraakiisha kooxdaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here