Mudaaharaadyada Jibuuti oo ku fiday Cali Sabiix

Djibouti flag

Gobolka Cali Sabiix waxaa maanta salaadda Jimcaha ka dib ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhawaan soo duubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.

Muddaaharaadyo noocan oo kale ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Jibuuti iyadoo dowladda ay xabsiga dhigtay dhowr qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jibuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa u digay dibadbaxayaasha.

“Nin kasta oo shirciga ku xadgubana waa la soo qaban doonaa oo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa. Marka dadku ha ogaadaan, meeshan waa waddan sharci leh, nidaamka ninkii ku xadgubana isagaa yaqaanna” ayuu yiri Muumin.

Wasiirka kama uusan hadlin arrinta kicisay dibedbaxyada ee xariga Fu’aad Yuusuf Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here