MUDDAHARAADYO MAANTA KA DHACAY BOOSAASO IYO CEELDAAHIR

Dibaxbaxyo ceeldaahir

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta oo Jimce ah halkaasi uu ka dhacay Muddaharaad looga horjeedo Hannaanka loo qeybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso.

Qaar kamid ah Dadweynaha muddaharaadka sameeyay ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Barmaamijkaas oo sida ay sheegeen lagu saleeyay Hab Qabiil ku dhisan oo ka baxsan Cadaaladda islamarkaana aan la aqbali Karin.

Dadka muddaharaadka dhigay oo u badan dhalinyaro ayaa socdaal ku maray waddooyinka qaar waxaana ay dalbanayeen in Caddaalad lagu saleeyo Barnaamijkaas Dowladdu waddo haddii kalena uusan ka hirgeli doonin Boosaaso.

Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso ayaa xakameeyay Muddaharaadka waxaana Ciidamo kala duwan lagu daadiyay gudaha Magaalada Boosaaso.

Degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa isna waxaa Maanta ka dhacay Muddaharaad kaasi lamid ah oo looga horjeedo Hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here