Muqalas Soomaali dadka ka tahriibin jirey Libya oo la xirey

tahriibiye Xasan Qidi

Ciidamada ammaanka Libya, ayaa xirey nin Soomaali ah, oo caan ku noqdey inuu ka ganacsado dadka, kaasoo la yiraahdo Xasan Qidi, isagoo lagu soo eedeeyey inuu hormuud u yahay burcad abaabulan, kuwaasoo ka shaqeysanayey socdaalka sharci darrada ah iyo tahriibinta dadka.

Dacwad soo oogaha guud ee Libya, ayaa ku eedeeyey Qidi inuu si bareer ah u laayey daraasiin muhaajiriin ah. Wuxuu ka ganacsadey xubnaha bani’aadamka, isagoo tiro haween ah fara xumeeyey, kuwaa oo ahaa soo galooti.

Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inuu si qasab ah dadka muhaajiriin ah u qabirayey, isagoo si fool xun ula dhaqmay, si uu uggu qasbo qoysaskooda iney bixiyaan madax furasho sii deyntooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Libya, Al-Siddiq Al-Sour, ayaa sheegay in Libya ay kaalmo u fidin doonto haweenka la afduubtey, iyadoo dhageysan doonta marag kaca dhibanayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here