Muqdisho: Dad badan oo sheegay in lacagtooda lagala goostay

muqdisho no4

Dad badan ayaa gabal dhicii waxay tegeen Xarumo Shirkadaha qaar ee Forex Lacagta La maalgishado kuwaas oo sheegay in lala goostay lacagtii ay dhigteen.

Ciidamada Amniga ee Degmada Hodan ayaa la wareegay Xarun mid ka mid ah Shirkadaha Forex ku shaqeenayeen oo dadkii xaruntaas ku shaqeenayey ay baxsadeen.

Lacag Boqol Kun Dollar ka badan ayaana la sheegay in lala goostay iyadoo Gudoomiyaha Degamda Hodan uu dadka la hadlay markii ay ku xoomeen Xaruntaas oo ay sheegeen in Lacagtooda ay dhaceen shirkadii ay udhiibteen.

Qofka ayaa lacagta ugu yar ee Xarunta dhiganayey ay aheyd Kun Dollar iyo Seddex Boqol Dollar diinwaangelin aheyd, waxaana dadka qaarkood ay ka qoomameynayaan wixii ay sameeyeen.

Dad Arimaha Ganacsiga bartay hore waxay kaga digeen in dad badan ay ku hogmi karaan arintaan Forex taas oo dad badan ay caawa ka shaleenayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here