Muqdisho: Dhalinyaro Al-Shabaab lala xiriirinayo oo degmada Wadajir lagu qabtay

hawlgal amni

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyey waaxda Xalane ee degmadaasi ayaa waxaa ciidamadu ay ku soo qab qabteen dad u badan dhalinayaro, kuwaasoo qaar kood la sii daayey baaris kadib, halka kuwo lala xiriirinayo Al-Shabaab la geeyey saldhiga Booliska.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ammaanka dadka ay soo qabteen ay isugu geeyeen goobo gaar ah, islamarkaana ay wateen dhalinyaro ay ka shakiyeen.

Ujeedka howlgalkaan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayey amniga degmada Wadajir oo mararka qaar falal liddi ku ah ay ka dhacaan.

Inta badan kooxo mindiyo ku hubeysan ayaa xilliyadii habeenkii dhibaatooyin xoogan ka geystay degmadaan, kuwaas oo qaati ay ka taagan yihiin dadka deegaanka.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay sheegatay lagu qaaday xarunta Xalane oo ku taalla degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here