Muqdisho oo bandow habeenkiiya lagu soo rogayo

muqdisho no4

Dowladda Soomaaliya ayaa bandow xilliga habeenka ahi ku soo rogaysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si looga hortago faafitaanka cudurka Covid-19 ee aafeeyay dunida.

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay taliyaha Booliska Soomaaliya, Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa looga gol-leeyay in lagu xakameeyo faafitaanka xanuunka Covid-19.

Janaraal Xajaar oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in magaaladaasi lagu soo rogo bandow laga billaabo fiidnimada Arbacada ah ee soo socota, kaa oo billaabanaya siddeedda fiidnimo, kuna eg shanta subaxnimo, si buu yiri dadka looga badbaadiyo khatarta cudurka COVID-19.

Sida ay dowladdu sheegtay, 25 ruux ayaa ilaa haatan la xaqiijiyay in uu cudurkani ku heleelay gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii afar qof oo hor leh laga helay cudurkani 24-kii saac ee la soo dhaafay.

SOMALIA

Janaraal Xajaar, waxa uu sheegay in bandowgani lagu soo rogay magaalada Muqdisho uu saameyn doono isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Janaraal Xajaar ma uusan sheegin wakhtiga bandowgaasi la qaadi doono, hasayeeshee waxa uu sheegay in qiimeyn joogtada ah lagu sameyn doono xaaladda faafitaanka cudurkani COVID-19, sidaa awgeedna lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandowgani.

In kastoo bandowgaasi lagu dhawaaqay, haddana ciidamada ammaanka ayaa la faray in dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ahi la soo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka, si baa la yiri ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin.

SOMALIA

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in shalay cudurka coronavirus uu Isbitaalka Martiini ugu geeriyooday wasiiru dowlihii cadaaladda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle xildhibaan Khaliif Muumin Xaayoow.

Xildhibaan Khaliif ayaa sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya waxa uu noqonayaa qofkii labaad oo gudaha dalka ugu dhintay cudurkan Coronavirus.

Waxaana wasaaraddu ay shacabka ugu baaqday in ay guryahooga joogaan haddii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxaddar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka daba cudurada raaga.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso maalin uun ka dib markii la hakiyay shaqadii Isbitaalka weyn ee Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer ee magaaladaasi Muqdisho sababo la xiriira baqdin laga qabo xanuunka COVID-19.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta cisbitaalkaasi ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in “si looga hortago faafida Korona Fayras loona ilaaliyo badqabka Bulshada uu Maamulka cisbitaalku joojiyay la kulanka Bukaan socodka iyo sidoo kale booqashada bukaan jiifka”.

Waxa sii shaqeyn doontaa qaybta xaaladdaha degdeg ah oo qaban doonta dadka xanuunsanaya iyo kuwa dhaawaca ah balse aan lahayn caalamadaha cudurka COVID-19.

SOMALIA
Isbitaalka weyn ee Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer ayaa joojiyaya qaar ka mid ah adeegyadii uu bixin jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here