Muran ka taagan daanyeerkii dadka loo maleeyay ee la daldalay

taalo daanyeer uk

Madaxa dowladda hoose ee deegaanka Hartlepool ee dalka Ingiriiska ayaa diiday eedeymaha in maamulkiisa uu astaan ku dul dhajiyay taallo ka turjumeysa daanyeer si sharraxaad looga bixiyo sababta loo dhigay halkaas. Taas oo looga gol lahaa in la sharoxo in taalada daanyeerka aanan looga jeedin sababo cunsurinimo, balse tahay astaan dhacdo labo boqol sano hadda ka hor dhacday.

Taallada ayaa ka turjumeysaa daanyeer la sheegay in looga shakiyay in jaajuus uu ahaa Faransiiska kaas oo la dal-dalay horraantii sanadihii 1800s.

Afahayeen u hadlay maamulka dowladda hoose ayaa sheegay in taallada lagu dhajinayo astaan sharraxeysa taariikhda daanyeerka si dadka booqashada ugu tego halkaas ay ula socdaan.

Daanyeerkan ayaa la sheegay in uu ahaa noolihii kaliya ee ka badbaaday markab Faransiisku lahaayeen oo badweynta ku caariyay, balse maxaa dhacay kadib?

Dadkii xilliggaas ku sugnaa magaalada ayaa dal-dalay daanyeerka iyaga oo u maleynayay in uu yahay sirddoon Faransiiska ah maadama aanay weligood xilliggaas ka arkin arkin daanyeer ama qof Faransiis ah, sida ay wararka sheegayaan.

Dadka deegaanka waxaa loogu garan og yahay “dadka dal-dala daanyeerka” , iyada oo magaaladana astaan looga dhigay daanyeerka, iyada oo sidoo kale kooxda ciyaaraha magaalada astaanteeda tahay boombale daanyeer loo ekeysiiyay.

Madaxda dowladda hoose qaarkood ayaa BBC-da ku yiri “Waxaan ka shaqeynaynaa sidii astaan sharraxaad ka bixineysa taallada daanyeerka loo dhigi lahaa goobta taas oo dan ugu jirto dadka soo booqda halkaas”

“Wax cabasho ah oo aan kala kulanay ma jirin arrinta taallada, waxay naga caawisay tallaabadan in aan uruurino £2,000 oo lacagta giniga ah oo ay ah lacagtii ay bixiyeen dadka soo booqda halkaas.

Hase yeeshee MShane Moore oo ah madaxa dowladda hoose ee magaalada ayaa diiday qorshaha ah in qoraal taalada sharaxaad ka bixinaya lagu dhejiyo, isaga oo ku dooday in aysan ahayn in wax kasta laga eego dhanka isirka, isaga oo shaqaalaha dowladda hoose xusuusisay sharci horey loo meelmariyay oo dhigayay in aanan waxbo laga badeli karin astaamaha iyo magacyada horey u jirey ee magaalada.

Wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilligii loo dabaaldegi lahaa muhiimadda magaalada iyo horumarka ay gaartay, xilli magaalada ay heshey daqli dhan £25 milyan oo lacagta dalkaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here