Murashax Qoor-Qoor oo dhabarka ka wareemay Odawaa iyo Guutaale

qoor qoor ukemb

Sida muuqata waxay ololahoodii ugu dambeeyey ku jiraan Murashaxiinta utaagan qabashada madaxweynaha Galmudug,kuwaas oo siyaabo kaal duwan loogu arkay maanta xarunta Xalane.

Kamaal Guutaale & C/raxmaan Odawaa ayaa Xerada Xalane gaar ahaan Safaarada Mareykanka waxay kulan kula yeesheen Danjire Yamamoto.

Waxaa isna Xarunta Xalane Ee Muqdisho maanta kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta safaarada Ingiriiska Murashax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) isagoo la kulmay Kuxigeenka Safiirka UK Ee Soomaaliya Danjire Matthew Rowland.

Qoor-qoor ayaa ka dalbaday inay taageero siiso hadii uu kusoo baxo Madaxweynaha Galmudug,kuna darso oo Qoor qoor waa Murashaxa ay gadaal ka taageereyso dawlada Federaalka Soomaaliya.Waa hardankii ugu dambeeyey iyo Kala xod xodashada xubnaha Beesha Caalamka,xitaa xisbiyada Hogaankooda ayaa waxay la wadaagayaan Saaxiibada Soomaaliya murashaxa ay wataan ee Doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here