Museveni: Waan kala baxaynaa ciidammadeena Muqdisho haddii aan khilaafka la joojinin

yoweri museveni

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wareysi uu siiyay Frace24 oo oo hawada laga sii daayay Khamiista maanta ah ayuu Museveni ku sheegay inuu ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee gacan ka geysta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo taageera ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa uu dalka soo maray marxalado kala duwan iyo dowlad isaga kala dambeeyay xukunka, hasayeeshee asaaskii maxaakiimta iyo dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya oo dhacay sannadkii 2007-da ayaa waxay beesha caalamka garatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaais oo hadda tiradoodu ay gaareyso 18 kun oo askari.

Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda oo intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho.

Xiisadihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ayaa horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga ee dalka aan xasilloonayn.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu dib u dhac ku keeni doono hanaanka doorashada ee socda.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.

Museveni iyo kaalintii heshiiskii Kampala

Heshiiska caanka ahaa, Kampala accord, ee dawladda Soomaaliya looga saaray KMG ayaa qalinka lagu duugay, xilligaasi waxaana si wadajir ah u saxiixay Madaxweynihii dawladda ku meel gaarka ahyad ee Soomaaliya isla markaana uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaasi Shariif Xasan.

Waxaa kale oo markhaati ahaan u saxiixay heshiiskaas madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo Ergaygii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaana lagu saxiixay magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Dowladdaas waxaa xiligaas raysal wasaraae ka ahaa Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ee hadda,waxaana xusid mudan in wakhtigaas Farmaajo looga yeeray Kampala si loola socodsiiyo heshiiskii Kampala oo dhigayey inuu xilka baneeyo, uuna madaxweynuhu soo magacaabo raysal wasaare cusub mudo 30 cisho ahayd oo ka bilaamanaysay markii la saxiixay oo ahayd 9-kii bishii Juun sanadkii 2011-kii.

Museveni ayaa isla xilligaasi ku hanjabay inuu la bixi doono ciidammadiisa o ahaa kuwii ugu horreeeyay ee AMISOM ee Soomaaliya la geeya 2007

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here