Mushaharka Ciidanka Qalabka Sida DF oo la laba laabayo 2020

kheyre ciidamo hawlgal2

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in mushaharka ciidamada la kordhiyay, islamarkaana markii ugu horreeysay la gaarsiiyay 200 oo dollar bishii, askarta aan saraakiisha ahayn

Arrinkaan ayaa lagu sheegay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020 oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada xukuummmadda.

Ilaa 30 milyan oo dollar oo ku korortay miisaaniyadda ayaa dhammaan loo leexiyay dhanka ciidamada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka horyimid kordhinta miisaaniyadda madaxtooyada, xafiiskiisa iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Mushaharka ciidamada oo horay u ahaa 100 doollar ayaa lagu kordhiyay 70 doollar iyadoo oo intaas ay dheeraad ka tahay 30 doollar oo raashin qallalan ah iyo 30 kale oo raashin ah, taas oo xaqa askariga ka dhigeyso 230 doollar.

Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay miisaaniyaddii ugu badayn abid ay Soomaaliya yeelato oo gaareyso 459.5 Milyan oo dollar.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iminka qaata 100 dollar bishii, waxayna u helaan si joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here