Musharax-maaganeyaasha mucaaridka oo ka hadlay ciidamo la dul-dhigay

Musharaxiin somalia

Xubnaha midowga Musharax-maaganeyaasha mucaaridka ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa ka hadlay ciidamo saaka la dul-dhigay qaar ka mid ah guryaha ay dagan yihiin musharraxiinta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay ayaa marka hore lagu cambaareeyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya iyo in waddooyinka laga xiro shacabka.

Sidoo kale Musharax-maaganeyaasha mucaaridka ayaa uga digay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka waantoobo daandaasi ay sheegeen inuu ku hayo siyaasiyiinta mucaaradka.

Musharraxiinta ayaa markale ka digay in ciidamada ammaanka dalka loo adeegsado u jeedooyin siyaasadeed oo laga leeyahay dano gaar ah, iyaga oo ugu baaqay ciidamada in aan sidoo kale loo adeegsan caburinta iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn golaha musharraxiinta ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro kasta oo ka timaada daandaansigan uu qaadayo madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli saaka ciidamo dheeraad ah la soo dhoobay waddooyinka qaar, gaar ahaan xaafadaha ay dagan yihiin inta badan musharraxiinta, sida Laami yaraha Zoobe, wadada Ceel Qalaw, Macruuf, Soomaali Airline iyo sidoo kale jidcade walba ee ka soo bilowda oo dhaca dhanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here