Musharixii u horeeyay oo soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Galmudug

Craxmaan Maxamed Xuseen Odawaa

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaanada oo maanta ka dhacday Caasimadda gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Odowaa oo galabta Suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in mudo 8 bilood ah ay socotay howlaha lagu soo xulayay baarlamaanka Galmudug, maantana ay tahay wax lagu farxo in Xildhibaanada la dhaariyo, si howlaha dhiman loo dardar geliyo

Mr. Odawaa ayaa dhinaca kale ku taliyay in la soo dhameystiro Lixda xubnood ee ka harsan baarlamaanka, kuwaasoo uu tilmaanay iney u maqan yihiin arrimo dana gaara looga leeyahay, balse ay diyaar yihiin Odayaashii soo xuli lahaa.

Waxa uu dhinaca kale Guddiga farsamo ee dhismaha Galmudug iyo madaxda sare ee dalka xusuusiyay in wado dheer loo soo maray in la helo maamul dadka deegaanka ay ku mideysan yihiin, loona baahan yahay inaan la beer dareen fursadaha haatan muuqda.

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo hore u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha ee soo dhisay Galmudug, ayaa soo dhaweeyay xal u helista tabashooyinkii Ahlu-Suna, wuxuuna ka digay in laga weeciyo howsha socota si Shacabka Galmudug ay u yeelan lahaayeen maamul ka shaqeeya danahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here