Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Tuulada Delft ee wadanka South Afrika

south africa

 Tuulada Delft ee ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka South Afrika waxaa xalay lagu dilay allaha u naxariistee C/llaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee halkaas ka shaqeysta.

Wariye ku sugan Cape Town ayaa noo warramay, wuxuun sheegay in muwaadinka la toogtay isla markaana kooxo aan heybtooda la garaneyn oo madow ah ay ku dhufteen 9 xabadood.

Dableyda dilka geystay goobta ayey ka baxsadeen, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno arrinkaan la xiriira, waxaana soo badanaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Waxaa la sheegay in Marxuumka maanta lagu aasi doono qabuuraha Muslimiinta ee ku yaalla magaalada Cape Town.

Inta badan dilalka ka dhaca Koonfur Afrika ee loo geysto Soomaalida, ma ahan kuwa lasii hadal qaado, mana jirto cid isku hawsha iney wax ka qabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here