Muxuu Aadan Barre ka yiri xil ka qaadistiisa?

aden barre ducaale1

Aadan Barre Ducaale ayaa maanta laga qaaday xilkii guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ee uu hayay toddobadii sano ee la soo dhaafay. Waxaa rrintan la shaaciyay ka dib kulan ay yeesheen hogaanka xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee

Ducaale ayaa BBC-da uga warramaya sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaa uu sheegay in culeys weyn uu hataan ka dhacay isla markaana uu diiradda saarayo ka shaqeynta danaha shacabka soo doortay.

“Wallaahi, waxaan eersaday ma garanayi, madaxweynaha waa uu i amaanay, in aan shaqadeyda kasoo baxay waa uu sheegay, koley waa la ogaan doonaa laakin hadda waxaan ahay nin shaqadii loo dhiibay kasoo baxay”

“Waxaa weeye qaddar Ilaahey, culeys weyn ayaa iga dhacay maanta,..weli waxaan ahay xildhibaankii dadkii sharafta badnaa ee Gaarisa Township, marka hadda waxaan u shaqeynayaa shacabkeygii oo aan xoogeygii iyo waqtigeyga ayaan siin rabaa”

Xisbiga Jubilee ee talada haya ayaa u muuqaday mid si weyn u kala qeybsamay bilihii la so dhaafay iyagoo u kala go’ay laba garab oo kala taageersan madaxweyne Kenyatta iyo garab kale oo teegeersan ku xigeenkiisa Wiliam Ruto. Waxay ka dambeysay markii Kenyatta uu heshiis uusan qeyb ka ahayn Ruto la galay hoggaamiyaha Mucaaradka Raila odinga.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay in Aadan Barre Ducaale lagu xamanayay in uu ka ag dhaw yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto sidaa darteedna madaxweynahana uu wacad ku maray in uu xilka ka qaadayo cid kasta oo aan daacad u aheyn.

“Ducaale waxaa muddo badan lagu xamanayay in uu ahaa nin ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne ku-xigeenka waddanka, fikrad ahaan iyo siyaasad ahaanba wuu u dhawaa madaxweyne ku-xigeenka, madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu xakameeyo labada aqal ee baarlamaanka in uu geysto dad isaga daacad u ah oo micnaha isaga ka amar qaato”

‘Waxaan matalayay umadda Muslimiinta iyo Soomaalida’

Aadan Barre waxaa uu ka dhawaajiyay in uusan garaneyn sababta xilka looga qaaday balse uu rumeysan yahay in shaqadii loo dhiibay uu kasoo baxay.

“Waxaan matalayay umadda Muslimiinta waxaan matalayay umadda Soomaalida ah. Shaqsi ahaan aniga uma arkeyn in kursiga uu ahaa keyga, wuxuu ahaa kursi ay umadda Muslimiinta iyo umadda Soomaalida ku faanayeen.”

‘Waxyaabihii ugu wanaagsanaa ee aan ku tallaabsaday’

Aadan Barre waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday waxyaabihii taarikhda galay ee uu qabtay muddadii uu ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya.

“Waxaan waqti badan aan geliyay oo ay Muslimiinta waddanka ay ogyihiin in aan sharciyo badan oo Muslimiinta dan u ah in aan fuliyay, waxaa kamid ah sharciyeynta bangiyada Islaamiga ah, sharciyeynta howlaha arrimaha ceymiska Islaamiga ah.”

Khilaafka xisbiga Jubilee

Ducaale, Uhuru iyo Ruto

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xubnaha sarsare ee xisbiga ayaa soo shaacbaxay markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horraantii 2018 isgacanqaadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

“In Uhuru Kenya iyo Raila Odinga ayaa aad isugu soo dhawaanayaan oo ay doonayaan in isbhaysi ay sameeyaan…taa waay keentay in dhinac la isaga riixo madaxweyne ku xigeenka, William Ruto oo daaqadda laga tuuro, isbaheysigan cusub ee madaxweynaha iyo Raila u dheexeeya in isaga la gacan bidxeynayo ayaad mooddaa iyo sidoo kale wixii taabacsanba, sida Ducaale” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Cabdisamad.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ku celceliyay in ay tahay in siyaasiyiinta xisbigiisa oo uu ugu horreeyo kuxigeenkiisa ay diirradda saaraan sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen sidii uu uga guul gaari lahaa mashaariicdii uu ballan qaaday ayna joojiyaan ololaha waqtigiisa laga soo hormaray.

Labadii sanadood ee ugu dambaysayna waxa ay warbaahinta gudaha tabinaysay in xiriirka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa uu sii xumaanayay.

Khamiistii ayey aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto uu daahfuray wax u muuqanayay xarunta laga hagi doono ololaha doorashadiisa 2022, – taas oo uu u bixiyay Jubilee Asili Centre – arrintaas oo uu ku dhaqaaqay kaddib kulan uu la yeeshay xildhibaannada isaga taageersan.

Hasayeeshee Aaden Barre Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saamaysay dad magac ku lahaa siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here