Muxuu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ka yiri xaaladda Tigray?

0
un security c

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in colaaddii dhawaan ka dhacay gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya ay sababtay macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii 400,000 oo qof.

Kulan uu xalay arrinta gobolka Tigray ka yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga sheegay in ay suurtagal tahay in colaad hor leh ay halkaasi ka dhacdo, inkastoo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.

Ku simaha madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, Ramesh Rajasingham, ayaa Golaha Amniga u sheegay in xaaladda Tigray ay aad u xumaatay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in 1.8 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul – marka lagu daro 400,000 oo qof oo durba ka gudbay xadka dalkaasi.

Wuxuu intaas ku daray in 33,000 kun oo carruur ah ay hayso nafaqadarro ba’an.

Dowladda Itoobiya ayaa maalintii Isniinta ahayd ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, haseyeeshee waxaa jiray warar sheegayay inay jiraan iska hor imaadyo goos-goos ah oo ka socda qaybo ka mid ah gobolka Tigreega, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ah in dhammaan dhinacyada colaadda ku lugta leh ay dib u kala gurtaan.https://bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-57704117/p09mvx17/soQoraalka Muuqaalka,

Taageerayaasha Tigreeda oo dabbaaldegaya

Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarlo, ayaa ka sheegtay kulankan ka dhacay New York in iska hor imaadyo kale ay u badan tahay inay dhex maraan ciidamada Tigreega iyo kuwa dowladda Itoobiya oo ay baritaarayaan ciidamada Eritrea iyo kuwa maamulka Amxaarada.

“Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh. Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” ayay tiri Rosemary DiCarlo.

Waxay sidoo kale sheegtay in aysan marnaba dhici doonin in xadgudubyadII xuquuqda aadanaha ee gobolkaasi ka dhacay aanan la iskula xisaabtamin.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in inta awoodooda ah, ay gacan ka geystaan baaritaanka wadajirka ahi ee socda ee ay wadaan xafiiska xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Waxaa khasab ah oo lagama maarmaan ah in la iskula xisaabtamo xad-gudubyadii xuquuqda aadanaha ee aadka u xumaa ee la galay muddadii ay colaadda socotay, oo ay ku jiraan falalka xad-gudubka dhanka galmada ahi ee lagula kacay carruurta iyo dadka qaangaarka ahi iyo sidoo kale dilalkii tirada badnaa ee dhacay,” ayay hadalkeeda sii raacisay Rosemary DiCarlo.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa ku baaqday xabbad joojin waarta, waxa ayna ku boorisay dowladda Itoobiya in ay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay ‘masiibo bani’aadamnimo.

Siddeedii bilood ee ay socotay xasaradda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku barakacay ku dhowaad laba milyan oo qof, halka boqolaal kun oo qof oo kalana ay halis ugu jiraan in ay macaluul u dhintaan.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeedinayo ee ah in ay hor istaagtay gargaarka bani’aadanimo kaddib markii fallaagada Tigray ay toddobaadkan la wareegeen inta badan gobolkaasi ku yaal waqooyiga Itoobiya.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay dib u billowday howlaheeda gargaarka haseyeeshee waxay hay’addu intaa ku dartay in marinka uu weli adag yahay isla markaana howlaha gargaarka aysan gaarin heerkii loogu talagalay.

Xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka Itoobiya iyo gobolka Tigreega ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa billaabatay kaddib markii ra’iisulwasaare Abiy Axmed uu xukunka qabtay bishii Abriil ee sandkii 2018.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kaddib markii doorashooyinkii la rabay in la qabto bishii Agosto 2020 dib loo dhigay sababo la xiriira fayraska Koroona.

Balse arrinta ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii tegay isu badashay gacan ka hadal ballaaran oo keenay in dhiig badan uu daato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here