Muxuu Mareykanku ku diidayaa in la baaro dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas?

duqeyn xamaas

Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la baaro dagaalkii dhowaan dhex maray Israa’iil iyo Xamaas.

Guddiga ayaa ansixiyay qaraarka, oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Balse Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan uu qalqal gelinayo hannaanka xasiloonida loogu soo dabaalayo gobolka.

Ugu yaraan 242 qof ayaa lagu dilay Gaza iyadoo 13 kalena lagu dilay Israa’iil 11-kii maalmood ee uu socday dagaalka oo soo afjarmay Jimcihii la soo dhaafay kaddib dhexdhexaadintii Masar.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib toddobaadyo ay sii xumaatay xiisadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee Bariga Qudus taas oo sababtay in isku dhac uu labada dhinac ku dhex maro goobta ay Muslimiinta iyo Yahuudduba u aqoonsan yihiin inay barakeysan tahay.

Xamaas ayaa bilowday inay gantaallo ku riddo gudaha Israa’iil kaddib markii ay uga digtay inay goobtaas isaga baxaan, taas oo keentay in Israa’iilna ay aargoosi sameyso iyadoo gantaallo ku asqeysay Gaza.

Qaraarka, oo ay soo gudbiyeen Ururka dalalka Islaamka ee (OIC) iyo wafdiga Falastiiniyiinta, ayaa ku baaqaya in guddi baaritaan oo joogto ah loo saaro kaas oo ka war bixiya tacaddiyada ka dhaca Israa’iil, Daanta Galbeed iyo Gaza.

Waxay sidoo kale ku baaqayaan in la baaro wixii sababay xiisadda, xasilooni darrada iyo dagaalkaba.

Markii ay furtay kalfadhiga golaha, madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay rabshadaha sii xoogeysanaya ee ka taagan Gaza waxayna ka digtay in duqeymaha cirka ee Israa’iil loo arki karo dembiyo dagaal.

Waxay sidoo kale gantaalladii Xamaas ku tilmaantay inay meel uga dhacayaan shuruucda caalamiga ah.

Sagaal xubnood, oo ay ku jiraan dhowr dalalka reer galbeedka ah, ayaa ka hor yimid qaraarka halka 14 kalena ay ka aamuseen. Shiinaha iyo Ruushka waxay ka mid yihiin dalalka taageeray baaritaanka.

Mareykanka oo keliya korjoogto ka ah golaha, kama uusan qeyb qaadan doodda.

Balse safaarkiisa Geneva ayaa qoraal ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu aad uga xun yahay tallaabadaas.

“Waa nasiib darro weyn in inta innaga iyo qaar kale aan ka shaqeyneynay xoojinta xabbad-joojinta, hubinta in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, siina wadno shaqada adag ee wada-xaajoodyada ku saabsan sidii loo gaari lahaa nabad waarta, in qaar ka mid ah xubnaha Golaha Xuquuqda Aadanaha ay door bidaan howlo aan waxba ku kordhineynin dadaallada bani’aadannimo iyo kuwa diblomaasiyadeed ee socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xamaas, ayaa dhanka kale ku baaqday “tallaabooyin degdeg ah oo lagu ciqaabayo” Isra’iil.

Qaraarkan ayaa ku soo aadeya kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ay u soo idlaatay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogay Bariga Dhexe.

Talaadadii wuxuu booqday Daanta Galbeed, isagoo ku baaqay in la xoojiyo xabbad-joojinta isla markaana ballan-qaaday in gacan laga geysanayo dib u dhiska Gaza.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu la shaqeynayo beesha caalamka, Maamulka Falastiin iyo Israa’iil si looga qeyb qaato dedaallada dib u soo kabashada Gaza, taas oo ay ku jirto gargaar maaliyadeed oo gaaraya $5.5m (£3.9m).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here