Muxuu Putin ka yiri dagaalka lagu hoobtay ee Armenia iyo Azerbaijan?

vladimir putin

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in ku dhawaad 5,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalka u dhaxeeya ciidammada dalalka Azerbaijan iyo Armenia, ee ka soconaya gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Tiradaas ayaa aad uga sarraysa tirada dhimashada ee ay labada dhinac ee is-haya ay bixiyeen.

Mr Putin ayaa sheegay in labada dhinac uu dhowr jeer la hadlo maalintii, uusanna colaaddaas dhinac la safanayn.

Waxa uu sheegay in Moscow aysan Turkiga laqabin – taageerada ay Azerbaijan – uga fidiso colaaddaas.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale waxa uu Mareykanka ugu baaqay inuu gacan ka gaysto baadigoobka nabadda ee gobolkaasi.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa midba midka kale waxa uu ku eedaynayaa inuu ku xadgudbay xabbad joojinta bini’aadamnimo ee loogaga dhawaaqay gobolka Nagorno-Karabakh.

Dagaalka ayaa bishii la soo dhaafay waxa uu ka bilowday deegaankaasi, kaas oo caalamka loogaga aqoonsan yahay inuu ka mid yahay waddanka Azerbaijan hasayeeshee waxaa maamula dad asal ahaan ka soo jeeda Armenia.

Waa qulqulatadii ugu xumeyd ee gobolkaasi ka dhacda tan iyo dagaalkii lixda sanadood dhulkaasi ka socday ee lagu soo gebagabeeyay xabbad joojintii 1994-kii.

Muxuu Putin sheegay?

Ruushka ayaa dhanka milateriga xulafo la eh Armenia, saldhig milater ayuuna dalkaas ku leeyahay. Hasayeeshee sidoo kale xiriir dhaw ayaa waxa uu la leeyahay waddanka Azerbaijan.

“Waxyeelooyin badan ayaa labada dhinacba soo gaartay, in ka badan 2,000 oo qof ayaa dhinacwalba ka dhimatay,” ayuu madaxweynaha Ruushka ka shir taleefishinka laga sii daayay, isagoo intaas ku daray in tirada ay “u dhawdahay 5,000”.

Tiradaas aad ayaa waxa ay uga badan tahay middii hore loo qiyaasayay, oo tiradii ugu dambaysay ee rasmiga aheyd ee dhimashada ayaa waxa ay ka hoosaysay 1,000.

Mas’uuliyiita maamula gobolka Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in 874 oo ka tirsan ciidamadooda milateriga iyo 37 qof oo rayid ah la dilay tan iyo 27-kii bishii Sibteembar. Azerbaijan ayaa sheegtay in 67 qof oo Azeri ah la dilay, hasayeeshee ma aanay ku dhawaaqin waxyeellada milaterigeeda soo gaaray.

Mr Putin ayaa intaas ku daray in uu “si joogta ah” ula xiriiro ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan iyo madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev, dhinacna uusan u hiilinayn.

“Maalintii dhowr jeer ayaan taleefanka kula hadlaa,” ayuu yiri.

Mr Putin ayaa sheegay inuu Turkiga ku khilaafsan yahay colaaddan, waxa uu intaas ku daray, Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan “walow uu u muuqdo nin adag, haddana waa siyaasi dabacsan iyo saaxiib ay Ruushka isku halayn karto”.

Turkey-ga ayaa wacad ku maray inuu ciidammo u diri doono oo taageero milateri uu u fidin doono Azerbaijan waa haddii ay arrintaasi ka codsato.

Mr Putin ayaa sidoo kale waxa uu Mareykanka ugu baaqay in “si wadajir ah ula shaqeeyaan” Ruushka si dagaalka loo soo gebagabeeyo.

Wadahadallo u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa la filayaa inay Jimcaha ka dhacaan Washington, markaas oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Mike Pompeo, lagu wado inuu la kulmo wasiirrada arrimaha dibadda ee labadaasi dal.

Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ayaa waxa ay wada guddoomiyaan kooxda wadaxaajoodka ee OSCE Minsk, kuwaas oo xabbad joojin ku baaqay.

Maxaa ugu dambeeyay xaaladda Nagorno-Karabakh?

Walow Ruushku uu bilowgii todobaadkan garwadeen ka ahaa xabbad joojin, haddana dagaalka ayaa sii socday oo boqollaal qof ayaa dhimatay.

Azerbaijan ayaa waxa ay sheegtay in dagaalka uu Khamiistii dhowr goobood ka socdo, waxa ayna Armenia ku eedaysay in dhulkeeda ay ku soo garaacday saddex gantaal oo nooca ridada dheer ah. Armenia arrintaasi waa ay iska fogaysay.

Armenia ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka uu dhow goobood ka socdo, halka saraakiishu ay sheegayaan in magaalada Martuni iyo tuulooyinka u dhaw dhaw la duqeeyay.

Ra’iisul wasaaraha Armenia ayaa sheegay in “waqtigan la joogo” uusan jirin xal diblumaasiyadeed.

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh

* Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran

* Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtaan Armenia ka soo jeeda iyo Muslimiin Turkiga ka soo jeedda

* Xilligii Midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol ismaamul hoosaad leh oo ka tirsan jamhuuriyadda Azerbaijan

* Caalamka waxaa gobolkaas loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay Azerbaijan, hasayeeshee inta badan dadka halkaas deggan waxa ay asal ahaan ka soo jeedaan Armenia

* Dagaallkii socday intii u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso hal malyan

* Dagaalki 1990-yadii dhacayna kooxaha goonni-u-goosadka ayaa waxa ay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azerbaijan

* Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tan iyo markii la dhaqangeliyey xabbad joojintii 1994-kii

* Turkiga ayaa si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azerbaijan

* Ruushka wuxuu saldhigyo milateri ku leeyahay Armenia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here