Wax yar kadib markii muranka muddada dheer ka taagnaa gobolka Koonfurta Caucasus uu bishii lasoo dhaafay isu baddalay dagaal gacan ka hadal ah, Turkiga wuxuu garan istaagay xulafadiisa ku sugan waddanka Azerbaijan. Wuxuu siiyay hub iyo sida la sheegay ciidan laga soo weeciyay dhinaca waddanka Suuriya, inkastoo xukuumadda Ankara ay beenisay arrimahaasoo dhan.
Si ka duwan dalalka kale ee dibadda, oo dalbaday in si deg deg ah xabadda loo joojiyo, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ku boorriyay inuu dagaalka sii wado.
Gobolka Caucasus waa mid ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee uu Turkiga ku fidiyay murqisiisa, xilli milatariga Ankara ay isku ballaadhiyeen laga billaabo Turkiga ilaa meelo badan oo ka tirsan badda Mediterranean-ka.
Waa kuwee meelaha uu Turkiga ku lug leeyahay?
Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, Turkiga wuxuu:
- qaaday saddex howlgal milatari oo uu ka fuliyay waddanka Suuriya
- ciidamadiisa milatariga ah u diray inay kasoo dagaallamaan Liibiya
- ciidamadiisa badda geeyay dhinaca bari ee badda Mediterranean-ka si ay u difaacaan qeybta uu ka sheegto gobolkaas
- ballaadhiyay howlgalladiisa milatari ee ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta ah ee PKK ee waqooyiga dalka Ciraaq
- milatari xoojin ah u diray gobolka Idlib ee suuriga, oo ah meesha ugu dambeysa ee ku jirta gacanta xoogagga fallaagada
- dhawaan ku hanjabay inuu howlgal milatari oo cusub ka fulin doono waqooyiga Suuriya si uu ula dagaallamo “kooxaha argagixisada ah ee hubeysan”.
Turkiga waxay sidoo kale ciidamo milatari ah ka joogaan waddamada Qadar, Soomaaliya iyo Afghanistan, wuxuuna ciidamo nabad ilaalin ah ku hayaa gobolka Balkans, oo ku yaalla Yurub.
Saameynta ay milatariga ku leeyihiin caalamka waa tii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo wixii ka dambeeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Maxay salka ku heysaa diblomaasiyadda cusub ee uu Turkiga ka leeyahay dibadda?
Sanadkii 2015-kii ayuu soo billowday dadaalka uu Turkiga ugu jiro inuu xoojiyo danihiisa dhinaca arrimaha dibadda, markaasoo la abuuray gole howlahaas qaabilsan.
Golahan oo Reer Galbeed diid ah ayaa aaminsan in hadda awoodda waddamada reer galbeedka ay hoos u sii dhaceyso, loona baahan yahay in Turkiga uu kaalintaas buuxiyo, xidhiidh dhowna la yeesho dalalka ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
Hannaanka siyaasdada Arrimaha Dibadda ee Turkiga wuxuu aaminsan yahay in waddankan ay ku hareereysan yihiin dalal cadowgiisa ah garabkiisa ay ka baxeen xulafadiisii Reer Galbeedka.
Sidaas darteed waxay golaha dowladda Turkiga ku boorriyeen inay xoogga saarto siyaasadaheeda dhinaca dhibadda, awood milatarina u adeegsato meelaha ka baxsan xuduudaheeda.
Qorshahan wuxuu aad uga duwan yahay siyaasadihii hore ee Turkiga oo u janjeeray dhanka hagaajinta diblomaasiyadda, ganacsiga dibadda iyo dhaqamada uu ku xoojinayay xiriirka dalalka kale.
Isbaddalkan waxaa horseeday arrimo ka dhacay gudaha Turkiga iyo caalamkaba.
Maxaa isbaddalay?
Turkiga ayaa howlaha uu hadda wado billaabay markii doorashadii baarlamaanka ee 2015-kii aqlabiyadda aqalka markii ugu horreysay muddo toban sano ah looga adkaaday xisbiga talada haya ee AKP, Guul darradaas waxay timid markii ay horumar sameeyeen xisbiga Kurdiyiinta taageersan ee magaciisa loo soo gaabiyo HDP.
Si uu dib ugu hanto aqlabiyaddii xisbiga talada haya, Mr Erdogan wuxuu xulafo ka dhigtay xisbiyada qarannimo doonka ah ee garabyada midig iyo bidix labadaba.
Way taageereen markii uu dib u billaabay dagaalkiisa ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta gooni u goosadka damacsan.
Taageeradooda waxay Erdogan u sahashay inuu awooddii baarlamaaniga ahayd ee waddanka u baddalo mid madaxweyne, taasoo isaga ka dhigtay qofka awoodda ugu sarreeya gacanta ku heysta.
Gacansaarkii uu la sameystay xisbiyada qaran jacaylka u go’ay iyo awooddii uu kordhistay waxay fure u noqdeen mowqofyada awood raadinta iyo ficillada milatariga ee uu Turkiga ku wajahayo Arrimaha Dibadda.
Afgambigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii ayaa isna door muhiim ah ka ciyaaray in nidaamkan uu cago adag ku istaago.
Sidauu afgambiga u baddalay arrinta
Sida uu qabo madaxweyne Erdogan, afgambiga dhicisoobay waxaa soo abaabulay nin ay horay xulafo u ahaayeen oo lagu magacaabo Fethullah Gulen, oo ah wadaad islaami ah oo iskiis dibad joog ugu ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.
Arrimaha uu sababay afgambigaas ee uu ka faa’iideystay madaxweynaha Turkiga waxaa ka mid ah in lasii xoojiyay xiriirkii saaxiibtinnimo ee uu la sameystay xisbiyada qaran doonka ah.
Howlgal ka dhan ahaa shaqaalaha dowladda ayaa shaqada looga eryaya dad ka badan 60,000 oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Gulen, kuwaasoo qaarkood xabsiga loo taxaabay.
Goobihii shaqada ee bannaanaaday waxaa laga buuxiyay dadka daacadda u ah Erdogan iyo taageerayaasha qaran doonka.
Afgambiga fashilmay wuxuu sidoo kale xoojiyay fikirkii ay horay u qabeen isbahaysiga qaran doonka, oo aaminsanaa in dalalka reer Galbeedka ay raalli ka yihiin cadowga Turkiga ee dibadda jooga.
Ujeeddada ugu weyn ee uu Turkiga ka leeyahay Liibiya waa sidii uu u xaqiijin lahaa dowladda Serraj, taasoo iyana laga doonayo inay hirgaliso ujeeddo ay leeyihiin Erdogan iyo xulafadiisa qaran doonka ah, waana arrinta ku saabsan Bariga Badda Mediterranean.
Qeyb ka mid ah baddaas oo uu kheyraad gaas ah ka buuxo ayey Turkiga sheeganayaan, waxayna ku muransan yihiin Giriigga iyo Qubrus.
Muranka ka aloosan biyahaas wuxuu salka ku hayaa sida loo kala qeybsanayo kheyraadka.
Maxaa xiga?
Siyaasiyiinta qaran doonka ah waxay Erdogan kula taliyeen inuu dagaalka sii wado. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ah dadka qarannimada u ololeeya, oo lagu magacaabo Cihat Yayci, ayaa ku dooday in Giriigga uu doonayo faragalin uu ku sameeyo galbeedka Turkiga, wuxuuna Erdogan ugu baaqay inuusan waligiis wadaxaajood la galin xukuumadda Athens.
Madaxweynahana uma furna waddo aan ka ahayn inuu taladaas qaato. Kaddib markii uu dhawaan ku guul darreystay ra’yi aruurin laga sameeyay gudaha dalkiisa, qaran doonka ayaa u qaabilsan dhinaca gudaha, isaguna wuxuu diiradda saarayaa amuuraha dibadda.